4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2014
Wada-hadallo Soomaaliya iyo Somaliland uga Furmaya Dalka Turkiga

Arbaco, Janaayo 15, 2014 (HOL) — Waxaa maalinimada berri ah ka furmaya waddanka Turkiga wada hadalladii u dhaxeeyay dhinacyada Soomaaliya iyo Somaliland si meesha looga saaro waxyaabaha lagu isku khilaafsan yahay oo muddo soo socday.

Xildhibaan Cabdi Samad oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya umatalaya wada-hadallada  ayaa u sheegay warbaahinta afka dowladda ku hadasha in wada-hadalladaasi ay ka dhici doonaan dalka Turkiga maalinta beri ah.

“Labada dhinac waxa ay isla qorshayn doonaan ajandooyin muhiim ah marka uu furmo  shirka si wax la isula meel dhigo “ayuu yiri xildhibaanka oo xusay in wad- hadalladan ay muhiim u yihiin  umadda Soomaaliyeed.

Afar wasiir iyo saddex xubnood oo ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland ayaa habeen hore ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee Bole International Airport ,si ay u tagaan magaalada Istanbul oo ah halka uu shirku ka dhacayo.

“Wafdiga Somaliland waxey Turkiga u aadeen in ay ka qayb-galaan wajigii shanaad ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya “ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada maamulkaas,waxaana madaxdan hogaaminaya Maxamed Biixi Yoonis oo ah wasiirka arimaha dibadda Somaliland.

Shirkan labada dhinac dhex mari doona ayaa lagu wadaa in la isku af-garto qodobo dhowr ah oo la isku mari la’yahay, waxaana ugu  soo horeeya gooni-isutaagga Somaliland oo madaxda Soomaaliya ay u arkaan mid xilligan aan loo baahnayn.

Ugu danbayntii Somaliland ayaa horey u iclaamisay in ay yihiin dal ka madax-banaan Soomaaliya inteeda kale  ,waxaana lagu wadaa in kulankan ay ka soo baxaan  heshiisyo wax tar u yeelan kara labada dhinac si loo dhaameeyo is-maandhaafka mudada soo jiitamayay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]