4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2014
Ra’iisul wasaare C/weli oo la kulmay safiirka UK u fadhiya Soomaaliya

Arbaco, Janaayo 15, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kulankiisii ugu horreeyay la qaatay danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya, Weil Nigan. Isagoo uga mahadceliyay taageerada ay Britain siiso Soomaaliya.

Danjire Wigan ayaa ugu hambalyeeyay ra’iisul wasaaraha Somalia, waxaana uu la wadaagay farriin ka timid ra’iiusl wasaaraha UK, David Cameron taasoo ahayd in Britain ay ka go’an tahay taageerada dawladda Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha iyo Safiirku waxay isla soo qaadeen kaalmada dawladda Britain ee dhinacyada amniga iyo mashaariicda horumarineed iyo sidoo kale howlaha waaweyn ee hor-yaalla xukuumadda cusub, waxaa kaloo ay ka wadahadleen sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah 2016-ka.

“Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Britain waa mid taariikhi ah oo sal adag, waxaan dawladda Britain uga mahadcelinayaa taageeradeeda joogtada ah iyo shirarkii caalamiga ahaa ee ay u qabatay Somalia, uguna soo jeedisay indhaha beesha caalamka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh.

Gaba-gabadii ra’iisul wasaaraha iyo danjiraha ayaa ka wadahadlay sidii looga wada-shaqeyn lahaa tayeynta hay’adaha amniga, tayeynta wasaaradaha iyo weliba gaarsiinta mashaariicda horumarineed dhammaan gobolada Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya