4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2014
Xildhibaanno eedeeyay Xukuumada Somaliland & Hogaankeeda Sare

Arbaco, Janaayo 15, 2014 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa xukuumadda Somaliland ee uu hoggamaaminayo Siilaanyo ku eedeeyay inay is-hortaagtay biyo-gelin la doonayo in lagu sameeyaan magaalada Hargreysa oo ay dhawaanahan biyo la’aan xoogani ka jirtay.

Mudanayaashan ayaa waxay sheegeen in xukuumaddu ay sidoo kale gabood-fallo kula kacday shirkado doonayay inay biyo-gelin ku sameeyaan xaafadaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaas.

“Waxaan ku boorrinaynaa oo aynu ka codsanaynaa madaxweynaha iyo xukuumaddiisa inay ogolaadaan in biyo-gelin lagu sameeyo Hargeysa, waayo dadku way harraadan yihiin, haddii ay kugu qamaamaanna wax kaa hor-istaagi kara ma jiraan, waxaana ku leennahay madaxweyne dadka u saxiix mashruuca biyo-gelinta,” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaannada shirka jaraa’id ku qabtay Hargeysa.

Xildhibaan kale oo isaguna hadlay ayaa yiri: “Arrintan waa arrin Qarana oo cid walba laga doonayo inay ka hadasho. Madaxweynaha waxaan leennahay waanu daba-galanaynaa sababta keentay in is-hortaag lagu sameeyo in la biyo-geliyo Hargeysa,” ayuu yiri xidlhibaankan kale.

Shirka jaraa’id ayay xildhibaannadu ka sheegeen in magaalada Hargeysa oo keliya ay ku sugan yihiin 100 shirkadood oo kuwaas oo loo diiday inay biyo gelin ku sameeyaan Hargeysa.

“Cid walba oo wax inoo keenta waa sadaqo gaal iyo muslim noocuu doono ha ahaadeen. Marka waa maxay sababta keenaysa in la diido howlaha ay wadaan shirkadaha ajiibay inay biyo-gelin dhameystiran ku sameeyaan Hargeysa oo weli sheegay inay dhismayaal isbitaallo ku darayaan,” ayuu is-weydiiyay mudane ka tirsan kuwii shirka jaraa’id qabtay.

Hadalka xildhibaannadan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan ay magaalada Hargeysa ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo shaqo joojin ay sameeyeen booyadaha biyaha dhaamiya ee Hargeysa, kuwaasoo ay ku dhinteen dad rayid ah kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Ma jiro hadal kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo ay arrinta kaga jawaab celinayso, iyadoo dadweynaha magaalada Hargeysa ay inta badan hadal hayaan arrintan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya