4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2014
Dagaal Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray Mahadaay

Arbaco, Janaayo 15, 2014 (HOL) — Dagaal culus oo khasaare geystay ayaa ku dhexmaray xalay degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane ee gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo xooggagga Al-shabaab ay u suurogashay inay la wareegaan deegaannadan.

Inta la ogyahay 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay iyadoo ay ku dhaawacmeen labaatameeyo kale, waxaana dagaalkan uu ahaa kii ugu cuslaa ee Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmara gobolka Shabeellada dhexe.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Mahadaay ayaa u sheegay saxaafadda in ciidamada Al-shabaab ay si buuxda xalay ula wareegeen degmada Mahadaay ayna saakay aroortii isaga baxeen degmada.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay saakay aroortii ay iskood uga baxeen degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane oo sannadkii hore lagala wareegay, iyagoo horay u sii kexeystay gaadiid ay lahaayeen saraakiisha dowladda iyo ciidamadii ku sugnaa degmadaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugnaa Mahadaay ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay gudaha u soo galeen gudaha degmada ayna dhibaatooyin geysteen, balse ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay bixiyeen.

Degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane ayaa saakay dagan iyadoo ay dib ugu laabteen ciidamadii dowladda ee xalay laga saaray, waxaana hadda ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo indho-indheynaya goobihii ay dagaalladu ka dhaceen.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka Shabeellada Dhexe oo ay kaga haldleen dagaalkii xalay ka dhacay degmada Mahadaay oo ahaa kii ugu xoogganaa ee gobolkaas ka dhaca tan iyo markii Al-shabaab degmooyin ka tirsn gobolkaas laga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya