4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2014
Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada


Arbaco, Janaayo 15, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xilkii ugu horreeyay magacaabay tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Puntland, waxaana wareegtadiisii u horreysay uu ku magacaabay agaasimaha madaxtooyada Puntland, Deeq Suleymaan Yuusuf.

Mas'uulka xilkan loo magacaabay ayaa la sheegay inuu yahay aqoonyahan ku takhasusay cilmiga bulshada, waxaana saddex shahaado oo labo ay tahay shahaadada dhexe ee Mastar-ka uu ka qaatay dalka Ingiriiska.

“Deeq Suleymaan wuxuu kasoo shaqeeyay dalka Ingiriiska, isagoo kasoo qabtay xilal ay ka mid ahayeen Senior Social Worker, Senior Substance Misuse Practitioner, Care Manager, Senior Care Coordinator, Senior Mental Health Practitioner, Senior Community Development Officer,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale, wuxuu horay u soo noqday, la-taliyaha madaxweyne C/wali  Maxamed Cali Gaas xilligii uu ahaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo la taliye uga ahaa arrimihii Road Map-ka gaar ahaan maamul wanaagga.

Dadka la socda siyaasadda Puntland ayaa maacaabista mas'uulkan markii ugu horreysay loo magacaabay agaasimaha madaxtooyada Puntland waxay ku sheegeen inay tahay mid muujinaysa isbedelka ka dhacay Puntland.

C/wali Maxamed Cali Gaas, waxaa xilligan laga dhawrayaa soo magacaabista xukuumaddiisa, waxaana mar uu saxaafadda la hadlayay uu sheegay inuu si dhaqso ah kusoo magacaabo xukuumaddiisa cusub.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya