4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 14, 2014
Mooshinkii Laga Keenay Wasiirradii Xukuumadii Saacid oo la diiday

/images/gallery/2013122635215736383293233DSC02252.JPG
Talaado, Janaayo 14, 2014 (HOL) — Kulan ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho ayaa lagu diiday mooshinkii wasiiradii xukuumadii Saacid laga keenay, kadib markii mooshin kaas kasoo horjeeda ay baarlamaanka horgeeyeen 12 xildhibaan.

Fadhigii maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen 218 mudane ayaa markii uu furmay waxaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay dalbadeen in maanta aan loo codeyn mooshinka laga keenay wasiiradii hore ee xukuumaddii Saacid.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay ayaa sheegay in cod la gelinayo in mooshinka ka dhanka ah in wasiiradii xukuumadii hore lagu soo dari karo wasiirrada iyo in kale ayaa waxaa codeyntii ay noqotay in la diido in loo codeeyo mooshinkaas.

“Xildhibaanada codkooda dhiibtay waxay ahaayeen 218 xildhibaan oo kulanka ka qaybgalayay 113 xildhibaan waxay diideen in codka loo qaado mooshinka, 99-xildhibaan way ogolaadeen, lix xildhibaanna way ka aamuseen, sidaa daraadeed mooshinkan wuu burburay,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo ka warbixinayay siday codeyntu u dhacday.

Inkastoo guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya uusan sheegin in mar kale codka loo qaadayo mooshinkan, ayaa waxaa haddana xildhibaanadii horay u keenay ay sheegeen in xilli kale codka loo qaadayo.

Mooshinkan oo xildhibaannadu ay horkeeneen baarlamaanka 12-kii bishan ayaa lagu dalbanayay inaan lagu soo darin xukuumadda cusub ee soo dhisi doono ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxmaed wasiiradii xukuumadii hore ee Saacid, kuwaasoo ay ku eedeeyeen wax-qabasho la’aan.

Tani waxay soo afjaraysa walwal badan oo laga qabay in xukuumadda ay ka mid noqon karaan wasiirradii xukuumaddii Saacid oo qaarkood la sheegay inuu madaxweynuhu dalbanayo in xilal laga siiyo xukuumadda cusub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya