4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Dowladda Somalia oo hubeysay ciidan dalka lagu tababaray (Sawiro)


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) — Taliska ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu horreysay ee gudaha lagu tababbaro maanta qalabeeyay, iyadoo saraakiisha ciidamadu ay kula dardaarmeen ciidamadaas inay ka qeyb qaatan howlgallada amniga lagu soo celinayo iyo dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

Ciidamadan ayaa loo dhammeystiray dhammaan qalabkii iyo gaadiidkii ay ku howlgeli lahaayeen; waxaana la marsiiyay nidaam cusub oo loogu talo-galay in lagu ogaado askariga ciidamada ka tirsan ee hubka la siiyay, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen munaasabaddii lagu howl-gelinayay ciidamadan ka tirsan milateriga Soomaaliya, taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi iyo saraakiil ajnabi ah.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad ka qaybqaadataan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo dadaallada nabadda lagu adkeynayo,” ayuu taliyuhu ku yiri ciidamadaas, isagoo intaas ku daray in looga baahan yahay ciidamada in ay ka fogaadaan kuwa sida qaldan u istcmaala direyska ciidanka.

Saraakiishii tababray ciidamadan ayaa ammaanay sida wanaagsan ee ay u tababarteen ciidamadan, waxaana ciidamadan noqonayaan kuwii ugu horreeyay ee dalka gudihiisa lagu tababbaro, iyadoo loogu magic-daray Cali Boobaaye laba, magacaas oo ay lahaayeen ciidankii ugu horreeyay ee lagu aasaasay ciidamada xoogga dalka.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii hore dadaal ugu jiray in ciidamada xoogga dalka lagu tababbaro gudaha dalka, iyagoo sheegay in ciidamada dalka lagu tababbaro ay awood u yeelan doonaan inay adkeynta nabadda ka shaqeeyaan.










Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya