4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Khilaafyo Siyaasadeed oo Caqabad weyn ku haya Dowladda Somalia


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa u muuqda inuu diyaar u yahay inuu magacaabo golihiiisa wasiirrada cusub ee xukuumaddiisa, iyadoo aqoonyahanka siyaasadda dalka falanqeeya ayaa ka digaya in murannada siyaasadeed ee jira ay dib u dhac ku keenaan dhismaha xukuumadda.

C/weli Sheekh Ahmed ayaa xafiiska loo magacaabay 12-kii December ee lasoo dhaafay kaddib markii cod kalsooni lagala laabtay ra’iisul wasaarihii isaga ka horeeyay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) labadii bishii December ee sannadkii hore 2013.

"Xil ka-qaadista ra’iisul wasaarihii hore ayaa loo sababeeyay inuu wax-qabad la’aan," ayuu IRIN u sheegay agaasimaha xarunta ka faaloota siyaasadda oo fadhigeedu yahay Muqdisho. Isagoo intaa ku daray: "Dadka Soomaaliyeed waxay dowladdan rasmi ah ka filayeen inay ka fogaato isku dhacyadii lagu bartay dowladihii ka horreeyay, ayna ka shaqeyso dib u dhiska dalka iyo ammaanka, balse weli kala aragti duwanaan ayaa muuqata.”

Sida laga soo xigtay warbixin uu soo saartay machadka Heritage oo xarun ku leh Muqdisho ayaa lagu sheegay in isbedelka maamulka Soomaaliya uu ahaa mid looga fadhiyay inay ka gudubaan is-qabqabsi keeni kara in burbur uu ku yimaado dowladda.


Ra’iisul wasaarihii hore ayaa shaqo ka tigistiisa waxay ku timid muran soo dhexgalay isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud taasoo ku saabsanayd is-bedelka lagu sameynayo xukuumadda oo 10-wasiir ka koobnayd, balse taasi waxay keentay in kasloonida loo diiday Saacid.

"Tan iyo sannadkii 2000; ficil ahaan madaxweynaha la doorto iyo ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabo waxaa dhexmari jirtay caqabado la mid ah kuwan. Taasina waxay Soomaaliya ka lumisay waqti muhiim ah, waxaana murannadu si xun u dhaawaceen hay'adaha dowladda,” ayaa laga soo xigtay Afyare Cabdi Cilmi oo bare ka ah jaamacad ku taalla Qatar iyo safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Mareykanka, Abuukar Armaan.

Labadan aqoonyahan waxay sheegeen in 13-kii sano ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya yeelatay afar madaxweyne iyo 10 wasiir ra'iisul wasaare oo ay soo dhexgaleen khilaafyo natiijadoodu noqotay inay kala tagaan.

Arrinta khilaafyada murjisa ayaa waxaa ka mid ah in madaxweynuhu uu awood u leeyahay inuu magacaabo ra’iisul wasaaraha, balse uusan awood u lahayn inuu shaqada ka joojiyo. Madaxweynaha ayaa waxaa loo xil-saaray fulinta siyaasadaha dalka oo dhan.

"Madaxweyne ayaa loo arkaa inuu ku dhaqaaqo waajibaad ka baxsan kii uu u qoondeeyay dastuurka KMG-ka ah ee dalka," ayaa lagu yiri warbixin uu soo saartay Machadka Heritage.

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa isagoo baarlamaanka la hadlayay markii kal-soonida la siinayay yiri: "Waxaan fahamsanahay howsha i hortaalla waxaana sameyn doonaa la-tashiyo badan si aan u soo dhiso gole wasiirro oo tayo leh, waxaana iga go'an inaan ka shaqeeyo dhismaha ciidanka xoogga dalka, horumarinta sharciga, maamul wanaagga, adeegyada dadweynaha iyo in dalka doorasho ka dhacdo sannadka 2016-ka."

Ugu dambeyn, machadka Heritage ayaa warbixin kooban oo uu soo saaray ku sheegay inay adag tahay in si dhaqso badan lagu qiimeeyo kartida ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh, laakiin weli ay taagan tahay dhibaatadii sababtay inay dhacdo xukuumaddii hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya