4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo safar ku tagay Tuulada Kabxanley


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanayo oo ay wehliyaan odayaal dhaqameed iyo saraakiisha ciidamada maamulka dowladda iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa socdaal qaatay mudo sadex cisho ah waxaa ay ku tagay deegaannada Kabxaley iyo Deefoow oo dhowr jeer oo hore ay ku dagaallameen maleeshiyo beelleed.

Socdaalka guddoomiyaha iyo xubnaha safarka ku welinayay ayaa ahaa mid salka ku hayay sii anba-qaadista  hishiis kama danbeys ah oo laga gaaro colaadda deegaanka Kabxaley iyo sidii odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada beelleed loo gaarsiin lahaa qorshaha la doonayo in lagu nabadeeyo deegaannadaas.

Guddoomiyaha ayaa sadexdii cisho ee uu joogay deegaannada Kabxaley iyo Deefoow, waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka labada beelleed oo ay ka wada hadlleen xoojinta nabad-galyada iyo fullinta qodobo horay loogu hishiiyay, lagana soo qeyb-gallo gogol dib-u-hishiisiin ah loo la dhigayo magaalada Beledweyne.

Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ayaa u sheegay mas’uuliyiinta maamulka gobolka in ay diyaar u yihiin qaadashada nabada iyo in wada hadal lagu dhameeyo wax kasta oo leysku hayo, waxaana ay si guud u aqballeen ka qeyb-gallka wada-hadallada ka furmaya degmada Beledweyne.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamo la geeyay deegaannadii lagu dagaallamay, kuwaa oo sheegay in mudadii ay halkaa joogeen wax caqabad ah la kulmin, wada shaqeynna kala kulmeen labada dhinac.

Colaada deegaannka Kabxanley oo ah mid mudo dheer oo jirtay ayaa hadda muuqata in dhinacyda iska soo horjeeda diyaar u yihiin in la gaaro hishiis kama danbeys ah, kadib kulamo is daba joog ah oo marar badan lala yeeshay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya