4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Laacibka ugu Fiican Dunida oo Caawa la Abaal-marinayo (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) — Waxa caawa magaalda Zurich ee dalka Switzerland lagu qaban doonaa xafladda abaalmarinta xiddiga sanadka adddunka ee loo yaqaan Ballon d’Or ,taasi oo la qabto sanad walba, iyadoo ay ka soo qayb-gali doonaan madaxda FIFA iyo waliba halyeeyo horey u soo maray kubadda cagta adduunka.

Abaalmarintan waxaa ku tartamaya seddex ciyaar-yahan oo kala ah Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Franck Ribery,waxaana xafladda sidoo kale lagu bixin doonaa abaalmarinta macalinkii ugu fiicna sanadkii tagay ,iyadana waxa ku tartamaya tababarayaasha kala ah Sir Alex Ferguson oo Manchester United muddo 26-sano macalin u soo ahaa, macalinka Dortmound Jurgen Klopp iyo macalinkii hore ee kooxda Bayern Munich Jupp Heynckes.

“Miyaan u qalmaa inaan ku guuleysto? malaha waan u qalmaa, si la mid ah sida aan ugu qalmay sannadkii hore ama labadii sanno ee u danbeysay. Waxaan qabaa inaan u qalmo inaan ku guuleysto sannad walba Ballon d’Or” sidaasi waxaa yiri Cristiano Ronaldo oo kamid ah u tartamayasha biladdan.

“Waxaan sidii wadi doonaa inaan sii faraxsanaado haddii aan guuleysto iyo haddii kale. kaliya waxaan ku faraxsanahay inaan ka mid ahay ciyaartoyada sida Ronaldo iyo Messi.” Sidaasi isna waxaa yiri Ribery oo sanadkii tagay ku guulaystay laacibka ugu fiican Yurub.

Lionel Messi oo horey abaalmarintan ugu soo guulaystay afar jeer oo isku xigta ayaa isna sheegay in uu ku rajo waynahay in markii shanaad uu ku guulaysto, isagoo tartan adag kala kulmi doona laacibka Real Madrid ee Ronaldo

Ruud Gulitt iyo Lima oo ah labada wariye ee daadihiya xafladdan ayaa warbaahinta u sheegay in ay diyaar garoobeen munaasaddan oo sanad kasta ay sugaan ,waxaan ay xuseen in tartanka adag uu ka dhaxeeyo laacibiin halis ah.

Tababaraha xulka hablaha Swedan Pia Sundhage ,tababaraha xulka hablaha Germany Silvia Neid iyo tababaraha kooxda hablaha kooxda Wolfsburg Rif Kellermann ayaa ayguna ku tartamaya abaalmarinta tababaraha sanadka ee hablaha .

Ugu danbayntii xiddigaha Zlatan Ibrahimovic, Nemanja Matic iyo Neymar ayaa ah seddexda xiddig ee ku tartamaya abaalmarinta FIFA Puskas Award ee goolka ugu fiicnaa sannadkan 2013, halka line-upka dunida ee FIFA/FIFPro World XI lagu dhawaaqi doono isla caawa.


Faysal Mohamed Hassan
[email protected]