4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Dowladda Kenya oo joojisay safaradda basaska xilliyada habeenkii ah


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa joojisay safarrada basaska xilliyada habeenkii ah, taasoo ay dadweynaha safra iyo madaxda shirkadaha basasku uga hadleen siyaabo kala duwan.

Shirkadaha basaska ee dalka Kenya ayaa arrintan ka horyimid iyadoo u gudbiyay maxkamadda sare ee Kenya dacwad arrintan ka dhan ah, taasoo ay maxkamaddu ogolaatay in laga doodo.

Tallaabadan ayay dowladdu Kenya ku tilmaantay inay tahay mid ay kaga hor-tagayso shilalka oo la sheegay in sannad walba ay 3,000 oo qof oo ay ku dhintaan shilalka gaadiidka ee la dhaca dalka Kenya.

Go’aanka dowladda ayaa saameyn xooggan ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka dadka, waxaana soo dhaweeyay arrintan dadweynaha qaarkood, halka kuwo kalena ay si aad ah ug soo horjeesteen.

“Waa arrin aan kasoo horjeedo; waayo tusaale ahaan aniga Nairobi ayaan ka shaqeystaan, waxaan toddobaadka dhammadkiis aadaa gobollada Waqooyi-bari ee Kenya si aan ehelladayda ula soo qaato fasaxa, balse tani caqabad weyn ayay ku noqonaysaa aniga iyo inta ila midka ah,” ayuu yiri Cali Cabdi Xasan oo u warramayay BBC-da.

Sidoo kale, Yoonis Yuusuf oo ka mid ah shacabka Kenya ayaa sheegay inay arrintan tahay mid lagu cunnoqabateynayo shacabka, wuxuuna codsday in arrintan laga laabto. Iyadoo rakaabka basaska qaarkood ay sheegeen inay habeen u kala dhaxaan Nairobi iyo Gaarisa oo ay xilli yar u socon jireen.

Dhallinyarada ka shaqeysta gaadiidka qaarkood ayaa sheegay inuu saameyn ku yeeshay go’aankan, iyagoo sheegay in qaarkood ay shaqooyinkoodii ku waayeen, halka kuwo kalena ay sheegeen inay dhaqaalihii shaqooyinkooda kasoo geli jiray uu hoos u dhacay.

Gaadiidka isaga goosha gobollada Kenya iyo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa bixi jiray galabtii iyo fiidadkii, waxaase tani ay caqabad ku noqotay shaqadooda, iyadoo wadayaasha gaadiidka qaarkood ay shegeen in tani ay tahay mid fursad u siinaysa inay nastaan.

Dawawal Kenyan ah oo la hadlya BBC-da ayaa sheegay inuu go’aankan soo dhaweynayo, maadaama uu hoos u dhigayo shilalkii gaadiidka, sidoo kalena uu fursad u siinayo inay nastaan, wuxuuna dalbaday in waqtiga loo kordhiyo si ay uga kaaftoomaan inay xawaare badan ku wadaan gaadiidka si aysan u dhicin qorraxda iyagoo aan gaarin magaaladii ay ku socdeen.

Milkiilaha shirkadda Basaska ee Muxin oo lagu magacaabo Cabduxayi ayaa sheegay in go’ankan lagu joojiyay safarrada habeenkii ah ay hoos u dhac ku keentay howlaha basaska.

“Tusaale ahaan gaadiidka habeenkii baxa iyo kuwa maalintii shaqeeya waxaa badan kuwa habeenkii shaqeeya. Tusaale kale haddii aan soo qaato marka la gaaro 2:00 duhurnimo ee maalintii ma jiro gaari baxaya, waxaana tani ay hor-istaagtay shaqooyinka basas badan oo habeenkii shaqeyn jiray, iyadoo tani ay keentay inaan dhaqaale badan wayno,” ayuu yiri Cabduxayi.

Ugu dambeyn, C/xayi ayaa sheegay in dhinaca ay dowladdu eegtay ee ah in ay ku yareysi shilalka aysan tani ahayn mid shilalka yareynaysa uu dalban lahaa in dib loo eego go’aankan.

Shirkadaha iska leh basaska ayaa sugay go’aanka ay maxkamadda sare ee Kenya ka gaarto arrintan, iyadoo loolal adag uu u dhexeeyo xilliga dowladda iyo shirkadaha iska leh basaska ka shaqeeya Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya