4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Xarumo War-baahin oo hor leh oo ku Biiray Ururka SIMHA (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) — Kaddib munaasabad ka dhacday hoteelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho shalay oo Axad ahayd ayaa lagu soo bandhigay warbaahinno hor leh oo ku biiray ururka Somali independent Media Houses association (SIMHA) iyo welibaha qorshaha uu ururkani hig-sanayo.

Mas’uuliyiin isugu jiray wasrirro, xildhibaanno, la taliyayaal sarsare, qaar ka mid ah agaasimayaasha idaacadeed iyo xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah ayaa ka qaybgalay munaabada.

Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ah agaasimaha Star FM ahna guddoomiye ku xigeenka SIMHA ayaa furitaanka munaasadda kusoo dhaweeyay xubnaha cusub ee kusoo biiray iyo mas’uuliyiinta madashada fadhiday, wuxuuna ku nuuxnuxsaday in SIMHA ay u furan tahay cid walba gacma furanna lagu soo dhaweyn doono.

Wasiir ku xigeena wasaaradda warfaafinta, C/shakuur Mire ayaa oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii madasha ka hadashay isagoo u mahad-celiyay xubnaha SIMHA, waxuuna ku boorriyay inay u dhabar adeygaan hawlaha horyaalla.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Xabiibo Axmed Jimcaale “Biibto” oo ah saxafiyad rug caddaa ahna tifaftirana ka ah wargeysyka maalinla ah ee Mogadishu Times oo iyaduna goobta hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in dhinaceeda ay soo dhaweyneyso SIMHA ayna qayb ka tahay, waxayna ku baaqday in la muujiyo kalsooni si loo gaaro ah-daafta saxda ah ee SIMHA.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ah agaasimaha idaacada Kulmiye oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in midnimada warbaahinta ay muhiim u tahay dhammaan warbaahinta madaxa-bannaan, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay midnimada warbaahinta.

Abwaanka ayaa gabayo guubaabo ah ka tiriyay madasha taasoo dhiirri-gelin weyn u ahayd xubnaha ururka SIMHA iyo saxafiyiintii goobta fadhiday oo ay ku jireen kuwii cusbaa ee ku biiray ururkan.

Justin Merrozi iyo Eng Yariisow oo labaduba ah la taliyayaal sar-sare oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa si isku mid ah u sheegay in midawga xarumaha warbaahinta dalka uu horseedi karo in horumar deg-deg ah ay ku tallaabsato warbaahinta Soomaalida.

Gaba-gabadii madasha waxaa hadal ka jeediyay guddoomiyaha mee ku gaarka ah ee SIMHA, Xasan Cali Geesey oo sheegay in SIMHA ay xoogga saari doonto dhowr arrimood oo uu ku sheegay inay ahayd munaasbaddii loo aasaasay, kuwaasoo ay ka mid yihiin mideynta xarumaha warbaahineed, in ay helaan tababarro lana tayeeyo dhammaan wariyayaasha iyo inay qayb ka noqdaan xarumaha sharciga warbaahinta ee hadda loo wado baarlamaanka.

Xasan Geseey ayaa sheegay in haddii xarumaha isku duubnaadaan ay sah-lanaan karto in xuquuqdooda ay si fudud ku helaan loona sameeyo shuruuc guud oo dhaxdooda ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya