4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Isbitaalka Jaamacada Kismaayo oo indho fiiqis sameeyay (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) — Barnaamijkan indhofiiqista ah oo ay iska kaashadaeen isbitalka Jaamacadda Kismaayo, Jimciyadda Towfiiq iyo isbitalka Al-nuur ee magaalada Muqdisho ayaa indhaha loogu fiiqay in ka badan 5000 oo qof kuwaasoo ay aragtidu ka maqnayd.

Barnaamijkan oo ahaa mid lacag la’aan ah islamarkaana socday mudo afar bilood ah,  ayaa waxaa ka faa’ideystay dad aad u badan, kuwaasoo isugu jiray indhooleyaal  iyo qaar kale oo qabay xanuuno dhinka araga ah, waxaana sidoo kale dhaqaatiirta howlahan fuliyay kamid ahaa dhaqaatiir ka timid dalka Bakistan.

Agaasimaha isbitalka Al-nuur ee magaalada Muqdisho  Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo kamid ahaa dhaqaatiirtii fulineysay howlahani indhof iiqista ayaa sheegay in howshan ay socotay mudo afar bilood ah islamarkaana ay ka faa’iideysteen dad ka badan 5000 oo qof oo u badnaa dad da’ ah, wuxuuna xusay in howlahani ay sii socon doonaan.

Sidoo kale gudoomiyaha isbitalka Jaamacadda Kismaayo Max’uud C/raxmaan Sahal ayaa isna dhankiisa ka hadlay barnaamijkan indhofiiqista isagoo sheegay in dadka ka faa’iideystay howshan ay ka kala yimaadeen qeybo badan oo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya iyo weliba xerooyinka qaxootiyada Dhadhaab Kenya.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’ideystay barnaamijkan indhofiiqista ah ayaa uga mahadceliyay Isbitalka Jaamacadda Kismaayo, kan Al-nuur ee Muqdisho iyo jimciyadda Towfiiq dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo caawin lahaa dadka qaba xanuunnada dhanka araga.






Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya