4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Ururro Qalab Caafimaad ugu deeqay Isbitaalka Kismaayo (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) — Soomaalida qubo-joogta ah ayaa qaar ka mid ah waxay si aad ah isugu taxluujiyaan inay wax-taraan dalkii iyo dadkii ay kasoo tageen; iyagoo qaarad walba oo ay ku sugan yihiin ka sameeyay hay’ado samafal oo ay dadkooda wax ku taraan.

Ururradaas waxaa ka mida ururka Somali Ethiopian Women Diaspora Foundation SEWD kaasoo ay aasaaseen labo gabdhood oo ku nool gobolka Minnesota xilli laga joogo shan sano. Ururkan ayaa horay wax uga qabtay isbitaalka Jigjiga oo ay geeyeen qalab caafimaad oo kala duwan iyo xero agoon oo ay u dhiseen maktabadda buugaag lagu akhristo, iyagoo gobolka Minnesota ka raray 25 kun buug kuwaasoo ay ugu deeqday Book for Africa.

Hay'adda SEWD waxay hadda qorshaynaysaa inay qalab caafimaad oo kala duwan u dirto isbitaalka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose; iyagoo howshan la kaashan doona hay'adda SOMCARE.

Kulan ay labadan urur ku qabteen Safari Hall ee Minneapolis ayay kusoo bandhigeen qorshahaas ay iska kaashanayaan labadaas urur iyagoo dadka Soomaaliyeedna ka codsaday inay gacan ka gaysteen taakulaynta isbitaalka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Dadwaynahii kulanka kasoo qayb-galay ayaa ayaa niyad-wanaag u muujiyay  hawshsaa samafalka ah, waxayna dhammaantood isku raaceen in dalkii hooyo maaalinba magaalo loo istaago si awoodda qurbo-joogta loo mideeyo.

Fowsiyo Cali oo ah madaxa SEWD ayaa saxaafadda u sheegtay inay ku talo- jiraan inay xilli dhow qalab kale oo caafimaad u diraan gobollada kale ee Soomaaliya iyadoo sheegtay inay ku qiimayn doonaan hadba siday baahida ka jira u kala badan tahay.

“Annagu qalabkii baan soo helnay dadka Soomaaliyeedna waxaan la kaashan doonaa siday gacan uga gaysan lahayeen sidii aan ku gaarsiin laheen isbitaalka loo wado,” ayay tiri Fowsiyo Cali.

Sidoo kale, Canab Cali oo iyadanu xubin ka ah ururka ayaa sheegtay inay xiriir lasoo sameeyeen shaqaalaha isbitaalka Kismaayo taasna ay tahay mida keentay iany u raadiyaan qalab wax-tarkiisa ay faa’iido u tahay Soomaalida oo dhan, waxay Canab dhaleecaysay dadka Soomaaliyeed ee mar walba kulamada siyaasadeed buux-dhaafiya laakiin ka gaabiya kulamada noocan oo kale ah ee samafalka looga hadlayo.

Madaxa SOMCARE, Cabdicasiis Muuse Maaxaay oo isaguna kulanka hadllo ka jeediyay ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay wax u tari lahaayeen walaalahooda gudaha dalka ku nool.

Maaxaay oo la hadlay HOL ayaa sheegay in qalabka la rarayo uu ka kooban yahay sariiro, qalabka lagu baaro haweenka uurka leh iyo waxyaalo kale oo badan

Siyaad Siciid Saalax
[email protected]
Minneapolis, Minnesota