4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2014
Barnaamijkii Tijaabi Hamigaaga Faneed oo la soo Gaba-gabeeyay


Axad, Janaayo 12, 2014 (HOL) — Waxaa maanta xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay tartankii tijaabi hamigaaga Faneed oo soo socday muddo laba sano ku dhow, iyadoo lagu bixiyay abaal-marinno iyo shahaadooyin.

Tartankan oo ay ka qaybgaleen tan iyo markii la furay 800 oo dhallinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar aya waxaa kusoo baxay sideed fannaan oo mid ka mid ah uu ku guuleystay majaajiliistenimo, halka afar ka mid ah ay ku guuleysteen dhinaca heesaha iyo saddex ku guuleystay abwaannimo.

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka hadlay goobta isagoo sheegay in fanku uu yahay mid si fudud bulshada uga dhaadhicin kara waxa la doonayo.

“Heesuhu waa kuwa keliya ee bulshada looga dhaadhicin karo xaaladaha uu ku jiro dalkooda. Miraha oo keliya waxba ma tarayaan, balse laxanka ayaa ka dhigaya heesta mid qofka soo jiidan karta. Anigu ma jeclayn heesaha balse hadda waan jeclahay, waxaana warbaahinta ku baraarujinayaa inay ku dadaalaan inay soo qaataan heesaha ka hadlaya hadba xaaladda lagu jiro,” ayuu yiri Tarsan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Barnaamijkan ayaa hirgelintiisa iska kaashaday maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan DAN GUUD iyo golaha murtida iyo madadaallada Soomaaliya, waxaana madaxa golahaas Cabdi-dhuux Yuusuf oo goobta ka hadlay uu si sheegay inuu ku faraxsan yahay in barnaamijkan lasoo gaba-gabeeyo maanta.

Fannaaniintii guuleystay ayaa waxay kala ahaayeen: HEESAHA: Canab Saalax Maxamed, Mustaf Xaaji Ibraahim, Ismaaciil Abuukar Ibraahim iyo Xaawo Cabdi Xasan. ABWAANNADA: Cali Deeq Maxamed Xasan, Daahir Cali Shidane iyo Canab Cali Maxmaed. Dhinaca MAJAAJILADA: Cabdalla Yaxye Cumar (Falaash).

Fannaaniinta guuleystay ayaa waxaa lagu abaalmariyay lacago, iyadoo aan laga sheegin goobta cadadka fannaan walba uu ku guuleystay, balse lasoo bandhigay boor ay ku qornayd 1,000 doollar.

Warbaahinta iyo shaqsiyaad la sheegay inay kaalin weyn kasoo qaateen sidii uu barnaamijkan ku hirgeli lahaa ayaa waxaa iyagana la guddoonsiiyay shahaado sharafyo. Waxaana abaalmarinnada iyo shahaadooyinka bixinayay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Intii ay xafladdu socotay ayaa waxaa heeso guubaabo u badan ka qaadayay hoolka ay xafladdu ka dhacaysay fannaaniinta hobollada waaberi, iyadoo ay dadweynihii hoolka ku sugnaa aad ugu sacab-tumayeen fannaaniinta markii ay hees walba dhammaanto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya