4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2014
Baarlamaanka oo ka Dooday Mooshin ka Dhan ah Wasiirradii Hore

Axad, Janaayo 12, 2014 (HOL) — Baarlamaanka federaalka Soomaailya ayaa ka dooday maanta mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya, kaasoo lagu dalbanayo inaan wasiirradii xukuumaddii Saacid ee kalsoonida lagala laabtay aan lagu soo darin golaha wasiirrada.

Xildhibaannada mooshinka soo diyaariyay ayaa markii uu furmay luanka u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari mooshinkan, iyagoo dalbaday in laga dodo maadaama uu yahay mid xasaasi ah.

Mudanayaasha mooshinkan soo gudbiyay oo u badan kuwii baarlamankaa u soo gudbiyay mooshinkii kalsooni kala laabashada xukuumaddii hore ee Saacid ayaa waxay sheegeen inay mooshinkooda u cuskadeen in wasiiraddii xukuumadii hore lagu eryay waxqabad la’aan, sidaa daraadeedna aan dib loo soo celin.

Doodda oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa hadallo ka jeediyay xubno kala fikir duwan, iyadoo xildhibaannada qaarkood ay taageereen, iyagoo xusay in aan loo baahnayn in wasiir ka tirsan xukuumaddii hore dib loogu soo celiyo xukuumadda hadda lasoo dhisayo.

Xildhibaanada fikirkan qaba ayaa sheegaya in wasiirradaas ay waxba qaban waayeen intii ay jirtay xukuumaddii ay ka tirsanaayeen, sidaa daraadeedna haddii dib loosoo magacaabo aysan waxba qaban karin.

Balse waxaa iyaguna jiray xildhibaanno si aad ah uga soo horjeestay fikirka mooshinka, iyagoo sheegay in mooshinka uu yahay mid qofka Soomaaliga ah ka hor-istaagaya in xil loo magaacabo, ayna xaq u leeyihiin wasiirradii xukuumadii hore in mar kale xilal loo magacaabo maadaama aysan dambi la og-yahay gelin.

Mudanayaashii kulanka ka hadlay ayaa waxay tiradoodu ahayd 50-xubnood iyagoo si weyn ugu kala aragti duwanaa mooshinkan, waxaana doodahoodu ay ahaayeen mid aad u kulul.

Gunaanadkii kulankii maanta ayuu guddoomiyaha baarlamaanku ka sheegay inaan maanta cod la gelin karin mooshinka, maadaama kooramka uu yahay mid aan dhameyn, balse mooshinka loo codeyn doono maalinta Salaasadaha ah ee soo socota.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya