4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2014
Murashaxiintii ku Tartamay doorashadii Puntland oo Xisbiyo Furanaya

Axad, Janaayo 12, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah murashaxiintii ka qaybgalay doorashadii dhawaan ka dhacday Puntland ayaa xilligaan sheegay inay furanayaan xisbiyo siyaasadeed si ay doorashada tan xigta u noqto mid ay shacabku codkooda dhibtaan.

Cali Xaaji Warsame oo isagoo ka mid ahaa siyaasiyintii isku soo tagtay xilka madaxweynaha ee Puntland oo maanta munaasabad ka dhacday Garoowe ka hadlayay ayaa si cad u sheegay in dhammaan musharraxiinti ka qayb-gashay doorashada ay wadda saxiixeen inay furanayaan xisbi siyaasadeed, taasoo uu ku macneeyay inay fududeyn doonto in loo gudbo hanaanka ay shacabku wax doortaan.

Sidoo kale Cali Xaaji ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay saxiixyadan ka qaaday murashaxiinta doonaysa inay xisbiyada sameystaan, kuwasoo uu ku jiray madaxweynaha laga guuleystay C/rximaan Faroole, isagoo tilmaamay inuu rajenayo in Faroole uu xisbi furanayo, maadaama uu horay u saxiixay inuu xisbi furan doono.

Mudane Cali Xaaji ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta la doortay ay kala shaqeyn doonaan hirgalinta nidamka xisbiyada badan iyo ka dhabeynta in doorashada soo aaddan ay u dhacdo hab ay shacabka Puntland iyagu ku soo doortaan ruuxa ay u arkaan inuu hoggaamin karo.

Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayaa C/wali Maxamed Cali Gaas oo xilligan ah madaxweynaha Puntland, wuxuu kula taliyay inuu hirgaliyo si dhaqso ah dimuqraadiyadda iyo ka dhabeynta in shacabku ay iyagu wax doortaan, wuxuuna madaxweynaha cusub uu ballan-qaaday inuu hir-galin doonno nidaamka xisbiyada badan ee dimuqraadiyadda.

Puntland sannadkan waxaa ka qabsoontay doorasha la wada ammaanay, taasoo la sheegay inay u dhacday hab lugu wada qancay oo nabadgalyo ku saleysan.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya