4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2014
Wasiirkii warfaafinta Puntland oo sagootiyey bahda war-baahinta

Axad, Janaayo 12, 2014 (HOL) — Ku-simaha wasiirka war-faafinta Puntland Axmed Sheekh Jaamac oo maanta magaalada Garoowe shir-jaraa'id ku qabtay, ayaa hambalyo u diray madaxda cusub ee Puntland isagoo dhanka kalena sagootiyey bahda war-baahinta.

Wasiirka ayaa si kooban u sharraxay wax-qabadka wasaaradda war-faafinta muddadii uu isagu joogey, isagoo sheegay in waxyaabo badani ay u qabsoomeen. Si gaar ah wuxuu usoo hadal qaaday xeerka saxaafadda oo intii uu wasiirka ahaa la meel mariyey.

Axmed Sheekh Jaamac ayaa dhanka kale sheegay in muddadii uu wasiirka war-faafinta ahaa uu ku guuleystey inuu soo afjaro khilaaf muddo soo jiitamayey oo ka dhex aloosnaa wasaaradda war-faafinta Puntland iyo bahda saxaafadda.

"waxan ku faanayaa sharciga saxaafadda Puntland ee golaha wasiirradu ansixiyey 3-dii December ee sanadkii hore, hawl badan baan ka qabtay, waana sharci loo baahnaa" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey "waxan kaloo sheeganayaa inaan ka shaqeeyey wasaaradda iyo weriyeyaasha Puntland inay isku soo dhowaadaan..."

Axmed Sheekh Jaamac oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee -AHN- Madaxweyne Maxamed Siyaad uu hormuudka u ahaa,
islamarkaana qoray dhowr buug oo uu kusoo ururiyey sugaanta iyo dhaqanka Soomaalida, wuxuu afartii bilood ee ugu dambeysey waqtiga xukuumaddii Madaxweyne Faroole ahaa wasiirka warfaafinta, is-gaarsiinta, hidaha iyo dhaqanka.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya