4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2014
C/weli Gaas: " Haweenku kuma qadi doonaan xukuumaddeyda"

Axad, Janaayo 12, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta magaalada Garoowe kulan kula qaatay xubno ka socdey haweenka Soomaaliyeed oo ka kala yimid deegaanada Puntland, magaalada Muqdisho iyo weliba dalalka qurbaha.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horreyn ka sheekeeyey doorka ay dumarku ku leeyihiin horumarka bulshada, isagoo xusay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa uu dalku ku taagnaa muddadii labaatanka sano ka badneyd ee uu burburka ku jirey.

Siyaasadda iyo hoggaanka bulshada oo sida uu tilmaamay ay ahayd in ay haweenku kaalinta koowaad kaga jiraan,  ayuu Madaxweynuhu sheegay inay ku dulman yihiin, arrintaas oo sida uu tibaaxay ah mid dunida oo dhan ka jirta.

Dhanka kale, Madaxweyne Gaas ayaa ballan qaaday in xukuumadda uu soo dhisi doono ay dumarku kaalin muuqata ku yeelan doonaan, maadaama haweenka Puntland aysan qoondo fiican ka helin baarlamaanka.

Isagoo taas ka hadlaya wuxuu yiri: "cadaaladdaa ku jirta inay dumarku helaan xuquuqdooda...marka anigu waan dadaalayaa, hadda waa laydinka qadiyey baarlamaankii waxan ku dadaalayaa inaad caddaalad ka heshaan xukuumadda, idinkoo weliba tixgelinaya duruufaha adag ee igu xeeran ee dhibta badan..."

Ugu dambeyntii wuxuu Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas haweenka kula dardaarmay inay isku duubni muujiyaan, islamarkaana ay ka fogaadaan qabyaalladda iyo in ay hab qabiil ku saleysan xuquuqdooda ku raadsadaan.

Madaxweynaha dhowaanta la doortay ee Puntland ayaa maalmihii u dambeeyey kulammo la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo uga warbixinayey barnaamijkiisa siyaasadeed iyo weliba xukuumadda uu soo dhisi doono.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya