4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2014
Danjire Nicholas Kay oo ka digay in la carqaladeeyo Amniga Puntland


Axad, Janaayo 12, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in doorashadii Puntland ay ahayd mid ku dayasho mudan oo ku dhacday si nabadgalyo ah, isagoo ka dalbaday madaxweynaha cusub ee la doortay inuu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka Puntland.

Danjire Kay ayaa uga mahadcelinayo madaxweynihii hore ee Puntland, Craxmaan Sheekh Maxamed Faroole sidii sharafta iyo mas’uuliyadda lahayd ee uu u wareejiyay xilka markii la soo gaba-gabeeyya doorashada, isagoo xusay inuu howlo badan soo qabtay intii uu xafiiska joogay.

“Xildhibaannada Puntland waxay dhowr maalmood ka hor muujiyeen mas'uuliyad weyn oo ku dayasho mudan. Puntland waxaa ka dhacday doorasho ahayd mid cad oo ay nabadgalyo iyo mas’uuliyadi ka muuqatay,” ayuu yiri Kay.

Kay oo hadalkiis sii wata ayaa yiri: “Waxaan ku talinayaa madaxweynaha la doortay inuu si dhaqso ah ku qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga gobolka. Dhammaan ciidanka iyo dadka ku nool Puntland waxaan kula talinayaa inay la shaqeeyaan maamulka cusub. Waana inaan la boobin hantida shacabka,” ayuu yiri Nicholas Kay.

Dajiraha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in la car-qaldeeyo amniga iyo xasilloonida Puntland, isagoo xusay inaanay shaqsiyaad gaar ah isku dayin inay xasillooni-darro ka abuuraan Puntland.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibbadeed oo ay ku jiraan IGAD iyo Midowga Yurub waxay sii wadi doonaan kor kala socoshada xaaladaha Puntland iyo dadaallada lagu taageerayo maamulka iyo shacabka Puntland xilligan adag,” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday dajire Kay.

Hadalka ergayga UN-ka ee arrimaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli maalin ka hor hub lagala baxay madaxtooyada Puntland ee Boosaaso, iyadoo ay laba qof ku dhaawacmeen is-rasaaseyn dhacday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya