4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2014
Weeraro kala Duwan oo Xalay ka dhacay Degmooyinka G. Banaadir

Axad, Janaayo 12, 2014 (HOL) — Iska-horimaad, dil iyo weerar bam ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo tani ay qayb ka tahay falalka ammaan-darro ee xilliyada habeenkii ah ka dhacaya caasimadda.

Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan laanta Towfiiq ayaa waxaa xalay ka dhacay iska-horimaad u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, iyadoo dagaalka uu yimid kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhigyo degmadaas ku yaalla.

“Ma garan karno khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse xaafadda oo dhan way kacsan tahay, meel walba waxaa ka dhacaya xabado, dadka cabsi weyn ayaa food-saartay,” ayuu yiri Maxamed Cali oo ka mid ah dadka degmadaas ku nool.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM lagu arkayo waddooyinka waaweyn oo ay ku jiraan kuwa dhexmara xaafadaha degmadaas.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, sidoo kalena kama aysan hadlin saraakiisha hay’adaha ammaanka dowladda, waxaase dadka deegaanku ay sheegeen inay arkeen maydadka laba qof iyo dhaawaca lix kale.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa bam-gacmeed xalay ku tuuray guri ay inta badan ku shiraan fannaaniinta hobolada Waaberi oo ku yaalla gudaha degmadaas, iyadoo uu dhaawac fudud kasoo gaaray bambkaas qof rayid ah oo jidka marayay.

Kooxaha weerarkan geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo xaafadda uu weerarku ka dhacay ay buuxiyeen ciidammo ka trisan kuwa dowladda oo baritaanno sameeyay inkastoo aysan cidna u soo qaban weerarka.

Ugu dambbeyn, nin ku labisnaa dharka ciidamada dowladda Somalia ayaa toogasho ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Maax, iyadoo dilkan uu ka dhacay xaafadda Jiiro-maskiin ee degmada Wadajir.

Ruuxa la dilay ayaa la sheegay inuu ka dhago-adaygay amar uu qofka wax dilay siiyay oo ahaa inuu soo dhiibo taleefoon kuwa gacanta ah oo uu watay, taasna ay keentay in goobta lagu toogto, iyadoo askarigii dilka geystay uu si nabadgalyo ah goobta uga tagay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya