4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2014
Madaxweynaha Soomaaliya oo baaritaan caafimaad u aaday Dalka Turkiga

Axad, Febraayo 09, 2014 (HOL) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya  Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu sababo caaafimaad u aaday dalka Turkiga.

Afhayeenka oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in madaxweynaha uu baaritaan caafimaad ku mari doono Dalka Turkiga, sidoo kalena uu muddo kooban la soo joogi doono qoyskiisa oo ku nool dalka Turkiga.

Wuxuu ku sheegay Yariisow sababta keentay in uu Madaxweynaha u baxo baaritaan caafimaad oo dibadda ah in madaxweynaha uu si aad ah u soo shaqeynayay muddadii uu xilka soo hayay, sida uu yirina ay caadi tahay in madaxweynaha uu caafimaadkiisa baaritaan ku sameeyo.

Madaxweynaha ayaa sii maray dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo kaddibna safarkiisa sii watay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]