4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2014
Khilaafka golaha Wakiiladda Somaliland oo cirka isku shareeray

Axad, Febraayo 09, 2014 (HOL) – Xiisad siyaasadeed ay ka abuurantay Golaha Wakiiladda, Somaliland, ka dib markii ay Ciidan faro badan ee uu hor-kacyo ku-xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ay soo galeen gudaha Golaha Wakiilada Somaliland.

Xildhibaanadda mucaaradka ah ayaa si weyn uga cadhooday galitaanka ciidanku soo galay golaha, isla markaana ku qayliyey ciidanka si ay golaha uga baxaan, iyagoo diiday inay golaha ka baxaan marti sharaftu.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa isna sharci daro ku tilmaamay gali taanka ciidanka, maadaama oo aanu isagu dalban inay ciidanku soo galaan, haseyeeshee gudoomiye ku xigeenka Baashe Maxamed Faarax ayaa isagu sheegay inuu ciidanka ku armay inay golaha soo galaan si ay amniga u ilaaliyaan.

Gudoomiyaha  golaha wakiiladda ayaa madasha golaha ka hor akhriyey laba mooshin oo xildhibaanadu usoo gudbiyeen, waxaanu sheegay inuu u gudbin doona la taliyaha sharciga sida uu sharcigu dhigayo, isla markaana sidaas uu fadhigu ku xidhan yahay, haseyeeshee  xidhitaankaasi waxa diiday xildhibaanadda muxaafadka ah oo iyagu  aqlabiyada golaha u badnaa, isla markaana watay mooshinkan ka dhanka ah gudoomiyaha golaha wakiiladda oo la doonayo in hoos loo dhigo codka lagu ridi karo gudoomiyaha oo laga dhigayo 42 xildhibaan, halka uu barigii hore ka ahaa 55 xildhibaan inay ridi karaan gudoomiyaha.

Xeer hoosaadkan wax laga bedelayo ayaa qodobka wax laga bedelaya saamaynayaa gudoomiyaha golaha Wakiilada, taas oo dhigayey in 55 cod lagu ridi karo, halka imika la doonayo 42 cod lagu ridi karo si ay u fududaato riditaanka gudoomiyaha oo muxaafadku u arkaan mucaarad hawlaha xukuumadda ka hor istaagi kara.

Ismari waagan ka dhex jira golaha wakiilada dhexdeeda ayaa salka ku haya markii ay isku dhaceen gudoomiyaha golaha iyo xukuumadda, waxaanay xukuumaddu dabada ka riixaysa xildhibanaadda muxaafad ah si ay uga takhalusaan gudoomiha mucaaradka ah.

Si kastaba ha ahaatee, gudoomiyaha golaha wakiiladda ayaa ka warwareegaya inuu golaha furo maadaama oo lagagaga codbadan yahay, isla markaana xukuumada ku eedeeyey inay khilaafka golaha ka jira ay masuul ka tahay. 

Sidoo kale, labadda gudoomiye ku xigeen ee awoodda la dhimay ayaa iyagu hogaaminaya  xildhibaanadda muxaafad ah, kuwaas oo doonaya inay buuxiyaan jagadda gudoomiyaha ka dib marka xilka ay ka qaadaan, haseyeeshee gudoomiyaha ayaa isna ku mashquulsan sidii uu xildhibaanada muxaafadka ah u kala jabin lahaa si mooshinkan meesha uga baxo, inkastoo ay ku adagtahay inuu mooshinkaasi burburo, madaama oo awood xukumadeed ka dambayso, taas oo dhaqaale iyo dhiirigalin kalaba lala daba joogo.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland