4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2014
Wasiirada Soomaaliya oo yeeshay kulan aan caadi ahayn (SAWIRRO)


Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, waxaana kulanka shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray qorshe howleedka wasaaradaha, waxaana qorshayaashooda soo bandhigay wasaaraddaha Garsoorka iyo Dastuurka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Isgaarsiinta, Dekedaha iyo Dhallinyarada iyo Isboortiga, waxaana wasiirrada wasaaradahan ay ku dheeraadeen ka hadalka qorshayaasha ay wasaaradahoodu ku shaqeynayaan, gaar ahaana aragtiyo cusub oo ay doonayaan inay kusoo kordhiyaan wasaaradaha.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa soo bandhigtay qorshaheeda waxqabad, waxaana wasiirka wasaaradda uu ballan-qaaday in shaqaalaha dowladda ay tayayn iyo kordhin ku sameyn doonaan; isla markaana heli doonaan xaquuqdooda shaqaalenimo oo dhameystiran.

Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ayaa isna soo bandhigay qorshe howleedka wasaaradda isagoo sheegay in uu xoogga saari doono adkeynta iyo tayeynta Garsoorka iyo Cadaaladda, wuxuuna xusay in dib u habeyn lagu sameyn doono dhammaan hay’addaha ku shaqada leh Garsoorka iyo Cadaaladda. Isagoo dhanka kale ballan-qaaday in la furi doono sannadkan gudihiisa dugsi tababar arrimaha garsoorka.

Sidoo kale, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa ka mid ahayd wasaaradaha soo bandhigay howlqabadkooda, waxaana madaxda wasaaraddu sheegeen in horumarin lagu sameyn doono dhamaan isgaarsiinta dalka tallaabada ugu horreysana ay ku hirgelin doonaan in dhammaan shirkaddaha isgaarsiintu ay isu gudbin karaan qadadkooda telefoonnada, si dadweynaha ay ugu fududaato in qofkii heysta 1 Sim-card uu la xariiri karo dhammaan shirkaddah kale ee dalka.

Dhanka kale, wasaaradda dekeddaha ayaa soo bandhigtay qorshe howleedkeeda waxayna tilmaameen in wasaaraddu howlaha muhiimada gaarka ah ay siin doonaan sidii loo ballaarin lahaa baaxada iyo adeegyada dekeddaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya