Hiiraan Online
4/13/2021
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2014
Dowladda Japan oo Booliska Somalia qalab ku wareejisey (SAWIRRO)
Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) —Wafdi ka socda dalka Japan ayaa maanta deeq qalab-xafiiseed u badan waxay ku wareejiyeen taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Wafdigan oo uu horkacayey safiirka Japan u jooga Soomaaliya Tasushi Taradi, islamarkaana uu qayb ka ahaa ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Yunazawi Atsushi, ayaa xarunta dhexe ee booliska Soomaaliya waxay kulan kula qaateen taliyaha guud ee booliska C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliska Soomaaliya.
Markii uu kulankaasi soo idlaaday, ayaa si wadajir ah waxaa saxaafadda ula hadlay Jen. C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) iyo dan-jiraha dowladda Japan u jooga dalka Soomaaliya Tasushi Tiradi.
Jen. Saacid oo hadalka ku horreeyey, ayaa uga mahadceliyey dowladda Japan taageerada hagar la’aaneed ee ay siiso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, wuxuu dhinaca kale tilmaamay in qalabka maanta lagu wareejiyey uu yahay mid si weyn baahi loogu qabay, wax weynna ka tari doona qalabeynta xafiisyada xarunta dhexe ee booliska Soomaaliyeed.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:-
Dan-jire Tasushi Tiradi oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa sheegay in ciidamada booliska ee dalka Soomaaliya ay hawlo culus qabtaan weliba iyaga oo ku shaqeynaya jewi aad u adag.
Tasushi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dowladda Japan ay sii joogteyn doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, maadaama ay Soomaaliya xilligan u baahan tahay taageero intii hore ka badan.
Qalabka maanta lagu wareejiyey ciidamada booliska Soomaaliyeed oo ka kooban shan kunteenar, wuxuu u badan yahay qalabka xafiisyada sida: kuraas, miisas, kumbuyuutarro iyo weliba armaajooyin.
Dowladda Japan oo kamid ah wadamada dunida ugu dhaqaalaha fiican, waxay sanadkii hore booliska Soomaaliyeed ugu deeqday qalab gaadiid u badan.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo baaritaan caafimaad u aaday Dalka Turkiga
2/9/2014 4:35 PM EST
Axad, Febraayo 09, 2014 (HOL) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu sababo caaafimaad u aaday dalka Turkiga.
Khilaafka golaha Wakiiladda Somaliland oo cirka isku shareeray
2/9/2014 9:15 AM EST
Axad, Febraayo 09, 2014 (HOL) – Xiisad siyaasadeed ay ka abuurantay Golaha Wakiiladda, Somaliland, ka dib markii ay Ciidan faro badan ee uu hor-kacyo ku-xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ay soo galeen gudaha Golaha Wakiilada Somaliland.
MADAXWEYNE XASAN: "Burundi Waa Walaalo Naftood noo Huray"
2/9/2014 8:53 AM EST
Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa amaanay doorka dowladda Burundi ay kaga jirto howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo sheegay inay yihiin walaalo dhab ah yihiin.
Wasiirada Soomaaliya oo yeeshay kulan aan caadi ahayn (SAWIRRO)
2/9/2014 8:41 AM EST
Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, waxaana kulanka shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.
DANJIRE ANAADIIF: "Ciidamada Kenya kama baxayaan Kismaayo"
2/9/2014 8:29 AM EST
Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa sheegay in ciidammo isku dhaf ah la geynayo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, isagoo ka dhawaajiyay in xusay inaysan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM aysan ka baxayn magaalada Kismaayo.
Madaxda ANC oo la kulmay jaaliyadda Soomaalida (SAWIRRO)
2/9/2014 4:42 AM EST
Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) —Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga African National Congress (ANC) ee haya talada dalka Koonfur Afrika, ayaa magaalada Cape town waxay kulan kula qaateen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan.
Shil gaari oo khasaare dhaliyey oo meel Buurtinle u dhow ka dahcay
2/9/2014 3:22 AM EST
Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) — Saddex qof ayaa ku dhintay toddoba qof oo kalena way ku dhaawacmeen, shil gaari oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay meel u dhow degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.
KENYA: ciidamada ammaanka oo qabtay saddex qof oo laga shekiyey
2/9/2014 2:29 AM EST
Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) —Ciidamada dalka Kenya ayaa gelinkii dambe ee shalay oo Sabti ahayd ku qabtay meel u dhow magaalada Mandheera, saddex nin oo looga shekisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.
Somali News
African refugees in South Africa face xenophobia
-
cnewsasia
2/9/2014 2:24 PM EST
In South Africa, xenophobia is a growing problem, and it is manifesting itself against Africans who are seeking refuge in the country.
Silatech, Kaaba to support Somali youth enterprises
-
tradearabia
2/9/2014 2:11 PM EST
Doha-based social initiative Silatech has signed a deal with Kaaba Microfinance Institution (K-MFI) in Somaliland to promote youth enterprise and employment solutions.
Swiss has appointed its first ambassador to Somalia
-
HOL
2/9/2014 9:46 AM EST
Switzerland has appointed its first ambassador to Somalia, as the war-ravaged country is currently re-establishing its diplomatic ties with the rest of the world after more than two decades of civil wars.
Kenya reviews role of media amid increasing militant attacks
-
xinhua
2/9/2014 12:31 AM EST
NAIROBI- Kenya is hosting a forum here to review the role of media in the coverage of terrorism as the military warned that attacks by Somali militant group Al-Shabaab in Kenya have increased by 22.7 percent since 2012.
Muslim leaders blamed for youth radicalisation
-
dailynation
2/9/2014 12:27 AM EST
Muslim leaders in Mombasa have been asked to bury their differences so as to resolve the problem of radicalisation among the youth.
Kenyan police arrest 3 Al-Shabaab suspects in border town
-
xinhua
2/9/2014 12:19 AM EST
Kenya's police on Saturday arrested three Al-Shabaab suspects and recovered three rifles and 259 rounds of ammunition in the northern town of Mandera.