4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2014
Madaxda ANC oo la kulmay jaaliyadda Soomaalida (SAWIRRO)

Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) —Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga African National Congress (ANC) ee haya talada dalka Koonfur Afrika, ayaa magaalada Cape town waxay kulan kula qaateen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii ay labada dhinac u kala warqaadan lahaayeen, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa, maadaama ay jiraan cabashooyin badan oo ay Soomaalidu qabaan.

Madaxdii xisbiga ANC ka socdey ee shirkaas ka qayb galay ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in laga jawaabo cabashada Soomaalida, maadaama ay dadka Soomaaliyeed qayb libaax ka qaateen la-dagaalanka xukunkii midab kala sooca ahaa ee horay dalkaas uga jirey.

Ababaker oo ah ku-xigeenka madaxda xafiiska ANC ee Capte Town ayaa tilmaamay in kulanka ay Soomaalida la qaateeni uu ahaa mid miro dhal ah, arrimaha ugu muhiimsan ee looga wada hadlayna ay ahaayeen: sidii looga jawaabi lahaa cabashada Soomaalida gaar ahaan dhibaatooyinka kasoo wajaha dhanka ammaanka, taas beddelkeedana Soomaalida laga rabo inay taageeraan xisbiga ANC.

Qaar kamid ah Soomaalida kulankaas ka qayb galay oo markii uu soo gaba gaboobay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay in muddo ah dhowrayeen fursadan oo kale, maadaama ay u suurtagashay inay si furan ula hadlaan xubno ka tirsan xisbiga dalka u taliya ayna soo bandhigeen waxyaabaha ay tabanayaan.

Koonfur Afrika waxaa ku nool Soomaali badan, waxayna badankoodu ganacsiyo yaryar ku haystaan deegaannada isku-raranka ah ee ay dadka saboolka ahi ku dhaqan yihiin. Sannad walba waxaa Koonfur Afrika lagu dilaa, hantidoodana lagu dhacaa tobannaan ganacsato ah oo kasoo jeeda Geeska Afrika, dadkaas oo qaar badan oo kamid ahi ay Soomaali yihiin.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya