4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2014
Shil gaari oo khasaare dhaliyey oo meel Buurtinle u dhow ka dahcay


Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) — Saddex qof ayaa ku dhintay toddoba qof oo kalena way ku dhaawacmeen, shil gaari oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay meel u dhow degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Gaariga shilka galay oo ahaa Toyota Noah waxaa la socdey rikaab u badnaa culimo ka tirsan Jamaacada Tabliiqa, wuxuuna ka yimid magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland isagoo kusoo jeeday dhanka magaalada Boosaaso.

Saddexda qof ee geeriyoodey ayaa isugu jirey labo rag ah iyo hal qof oo dumar ah, sida uu xaqiijiyey xog-hayaha dowladda hoose ee degmada Buurtilne oo goor hore oo saaka ah warbaahinta la hadlay.

Maamulka degmada Buurtinle iyo dadweynaha ayaa gurmad u fidiyey dadka shilkaasi uu ku dhacay, waxaana dhaawaca loo qaaday dhinaca magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug..

Lama oga sababta rasmiga ah ee shilkan keentay, haseyeeshee sarkaal ka tirsan hay’adda nabad gelyada waddooyinka ee gobolka Nugaal ayaa Hiiraan Online u sheegay in gaarigu uu jidka ka baxay isagoo xawaare aad u sarreeya ku socda.

Shilalka gaadiidka ayaa si joogto ah uga dhaca jidka dheer ee laamiga ah ee isku xira magaalooyinka Gaalkacayo iyo Boosaaso, waxaana loo aaneeyaa jidka oo aan wanaagsaneyn iyo wadeyaashaa gaadiidka oo u badan kuwo aan khibrad fiican oo dhanka dareewalnimada ah haysan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya