4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
BELEDWEYNE: joojinta adeegga internetka oo aad loo hadal hayo
Sabti, Feberaayo, 08, 2014 (HOL) - Waxaa maalintii saddexaad hawada ka maqan  adeeggii Internet Mobile-ka iyo 3G oo labaduba ay bixin jirtay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kadib markii ay sidaa amar ku bixiyeen xoogagga Al-shabaab oo wali gacanta ku haya deegaanno ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ka mid ah qeybaha dalka ee adeegan laga joojiyay ayey bulshada ku dhaqan su'aalo kala duwan iska weydiinayaan sida ay ugu suurtagashay xarrakada  Al-shabaab in ay ka mamnuucaan is-gaarsiinta deegaanno aan gacantooda ku jirin.

Dhalinyarrada oo ah kuwa ugu badan ee ku xirnaa isticmaalka adeega Internet Mobil-ka ayaa labadii cisho  ee la soo dhaafay hadal heyntooda ugu badan waxaa ay aheyd  xariyaaradan lagu soo rogay isticmaalkii Internet Mobil-ka oo ay kuwada xiriri jireen saaxiibo intooda badan ah ay iska  barteen khadka oo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Laakiin marka laga soo  tago dhalinyarrada u adeegsan jirtay wada sheekeysiga oo kaliya, waxaa siweyn uga xumaaday joojinta adeegan internet-ka, ardeyda wax ka barata Dugsiyada iyo Jaamacada magaalada oo sheegay in ay ka heli jireen Internet-ka macluumaad dheeraad ah oo la xiriira waxbarashada ay ku jiraan.

Shirkada isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Beledweyne ayaa maanta waxaa buux dhaafiyay dadweyne doonaya in ay lacagahooda kala baxaan adeega EVC Plus oo suuqa la soo galiyay in la joojinayo.

Hasse ahaatee ma jiro wax war ah ama digniin ah oo ka soo baxay dhinaca shirkada isgaarsiinta Hormuud oo la xiriira in la joojinayo adeega EVC + oo muhiim u ah bulshada Soomaalida, gaar ahaan marka ay timaado xawilaada lacagta oo si fudud dadka isugu gudbin karaan.

Mid ka mid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee  ku nool magaalada Beledweyne oo HOL oo arrintan wax ka weydiisay iyo sida ay u arkaan ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan, madaama sida ay hadalka u dhigtay isticmaalka Internet Mobil-ka iyo caruurtooda dhibaato weyn isku qabeen waqti badanna kaga lumi jiray.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in joojinta adeega Internet-ka saameyn xoog leh yeellatay dad ka kooban qeybaha bulshada oo siyaabo kala duwan ugu xirnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.