4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
Uruka SOLJA oo cambaareeyey dhaawac loo geystay wariye Darwiish

Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyey dhaawac budad u badan oo loo geystay wariye Cabdilaahi Xuseen Darwiish oo ka hawlgallka magaaladda Ceerigaabo e gobolka Sanaag oo la sheegay inay jidh dil ku sameeyeen koox aan la garanayn oo xafiiskiisa hortiisa ku soo weerartay.

"Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa weerarka lagu qaaday Weriye- Cabdilaahi Xuseen Darwiish. oo ah Weriyaha Royal TV, Wargeyska Waaheen iyo Shebekedda Oodweynenews ee Magaalada Ceerigaabo Ahna Wakiilka Ururka SOLJA ee G/Sanaag Ayaa habeen hore 6/2/2014 Habeenkii jimcuhu soo galayay abbaara 10:30-pm rag dhallinyaro madaxa soo duubtay oo ku hubaysan Budhadh Iyo Toorriyo isagoo Xafiiskiisa hortiisa Telefoon ku hadlaya waxay halkaas hareeraha kala galeen budhadhkii ay siteen. Waxana weriyaha soo gaadhey dhaawacyo intooda badani madaxa iyo wejiga ka gaadheen. Weriyaha ayaa loola cararay cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, sidoo kalena kooxdii hubaysnayd ee weriyahan weerarka kusoo qaaday ayaa booliisku mid kamid ah gacanta ku dhigeen"ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay ururka SOLJA oo uu ku saxeexan yahay Mustafe sheikh Cumar Geedi oo ka mid ah Guddidda SOLJA .

Waxaanay intaas ku dareen "Ururka SOLJA waxa uu si sharaf iyo qadarin leh uga codsanayaa Hayaddaha amniga ee Jamhuuriyada Somaliland iyo kuwa gobolka sanaag gaar ahaan kuwa dagmada ceerigaabo in sida ugu dhakhsaha badan sharciga loo horkeeno cidii falkaa arxan darada ah ku qaaday Wariye Cabdilaahi Xuseen Darwiish".

Wariye Darwiish ayaa la sheegay inay koox madaxa duubaty weerar ku soo qaadeen, isla markaana budad kala dhacay madaxa, taas oo dhaawac sahlani ka soo gaadhay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland