4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
Siilaanyo oo Xukuumadiisa ka fogeeyey faragelintii lagu eedeeyay

Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamuud Siilaanyo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyey safar shaqo oo uu dibadda kaga maqnaa.

Madaxweynaha oo dhawr toddobaad ku maqnaa dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa sheegay inuu kulamo la yeeshay wasaaradda arrimaha dibadda faransiiska iyo Baarlamaanka dalkaasi, sidoo kale waxa uu xusay inuu la kulmay shirkad la yidhaa Bolore oo laga leeyahay faransiiska isla markaana doonaysa inay maalgaliso dekada Berbera.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu Ingiriiska u tagay hawlo u gaar ah, isla markaana aanay safarkaasi ahayn mid lagu casuumay, balse uu la kulmay jaaliyadda reer Somaliland oo uu sheegay inay harumarka dalka ka jira qayb weyn ka qaateen.

"Farxad weyn bay ii tahay inaan ku soo noqdo dalkayga, dalalka aanu soo maraynay madax kala duwan ayaanu la kulanay, oo dalka faransiiska wasaarada arrimaha dibadda iyo baarlamaankooda ayaanu la kulanay, waxa kale oo aan la kulmay shirkad weyn oo la yidhaa Bolore si wanaagsan noo soo dhowaysay"ayuu yidhi madaxweynaha oo ka hadlayey safarkii shaqo ee uu ku tagay dalal Yurub ka mid ah.

Sidoo kale madaxweynaha waxa wax lag waydiiyey khilaafka ka jira golaha Wakiilada oo xukuumadiisa lagu eedeeyey inay faraha kula jirto khilaafkaasi.

" kama maqal afkiisa inuu nagu eedeeyey (gudoomiyaha golaha Wakiiladda ) farogalin, dawladu shaqay leedahay, baarlaankanku shaquu leeyahay, baarlamaanku shaqadiisa ayuu gudanayaa, sharcigaana kala xadaynaya ee waa in qolo waliba xadkeeda ku eekaataa, anagu diyaar baanu u nahay in aanu xadkayaga ku eekaano"ayuu yidhi Axmed Siilaanyo oo ka jawaabay eedeenta xukuumadiisa lagu eedeeyey farogalinta ay ku hayso golaha Wakiiladda.

Si kastaba ha ahaatee, gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro, ayaa xukuumadda madaxweyne Silaanyo ku eedeeyey inay faraha ku kula jirto golaha Baarlamaanka, isagoo ugu baaqay inay xukuumaddu hawlaheeda loo igmaday ku eekaato.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland