4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
Dagaal xalau ka dhacy Huriwaa iyo Madaafiic laga tuuray Yaaqshiid

Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Iska-horimaad xooggan ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa xalay ku dhexmaray xaafadda SOS ee degmada Huriwaa, iyadoo dagaalku uu dhacay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dagaalka oo socday muddo saacad ku dhow ayaa dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dagaalkan xalay dhacay ka dhashay.

"Xalay waxaa degmada ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ma garan karno illaa hadda khasaaraha ka dhashay," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmad Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Iska-horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli habeennadii lasoo dhaafay ay Al-shabaab weerarro ka geysanaysay Muqdisho, iyadoo la xusuusto in laba habeen oo isku xiga duqeymo laga geystay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay mas'uuliyaddooda ay sheegatay Alshabaab.

Kama aysan hadal dowladda Soomaaliya iyo AMISOM kama aysan hadlin dagaalkii xalay ka dhacay degmada Huriwaa, iyadoo degmada lagu tiriyo inay tahay goobaha ay ku xooggan tahay Al-shabaabta ku sugan Muqdisho.

Dhanka kale. xalay ayaa kooxo hubeysan waxay madaafiic ka tuureen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo ciidamada dowladda ay howlgallo ay dad badan ku qabqabteen ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmadaas, kuwaasoo lagu xirxiray boqolaal qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya