4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
Askari lagu dilay Kismaayo iyo ciidamada oo wada Howlgallo
Sabti, February 08, 2014(HOL) :- Kooxo baastoolado ku hubeeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay gudaha magaalada Kismaayo ku toogtay askari ka tirsan ciidamada ammaanka maamulka Jubba.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Faanoole, waxaana kooxihii dilka geystay ay durbaba isaga baxsadeen goobta kahor intii aysan halkaasi gaarin ciidamada ammaanka.

Dilka kadib ayaa waxa goobta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubba kuwaasoo howlgallo ka sameeyay xaafadaha ku dhow dhow halka uu shilku ka dhacay.

Ciidamada ayaa maanta gudaha magaalada Kismaayo ka wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, iyadoona ay jiraan dad badan oo loo qabqabtay tuhun, waxaana lagu arkayaa wadooyinka iyo xaafadaha magaalada askar baareeysa dadka iyo gaadiidka.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo ka hadlay arintaasi mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi.


Max'ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.