4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2014
Switzerland oo safiir cusub usoo magacaabatay Soomaaliya

Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) —Dowladda Switzerland ayaa dan-jire cusub usoo magacaabatay dalka Soomaaliya. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Switzerland, ayaa lagu sheegay in Dominik Langenbacher uu yahay safiirka cusub ee Switzerland u joogi doona Soomaaliya.

Dominik Langenbacher ayaa kulankiisii ugu horreeyey la qaatay qurbe-joogta Soomaaliyeed uu ku nool dalka Switzerland iyo xubno ka socdey ururrada ka shaqeeya sama-falka ee Soomaaliya ka halwgala.

Qurbejoogta ayuu ka dhegeystey warbixino ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, horumarrada ay Dowladda Federaalku samaysay iyo weliba dhinacyada uu dalku u baahan yahay in laga taageero.

Dan-jire Langenbacher, ayaa dhankiisa ka warbixiyey qorshe-howleedkiisa mustaqbalka dhow iyo weliba arrimaha uu doonayo inuu kala hadlo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya marka uu maalmo kaddib soo gaaro caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qodobbada uu carrabku dhiftay waxaa kamid ahaa: xoojinta nidaamka federalism-ka, dhismaha goleyaasha dhaqanka iyo guurtida; la-dagaalanka argagixisada iyo weliba xoojinta  xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Safiirka cusub ee ay dowladda Switzerland usoo magacaabatay Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda dalka soo gaari doona, si uu waraaqihiisa aqoonsiga ugu wareejiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa muujineysa sida ay dowladda Switzerland iyo dowladaha kale ee Midowga Yurub ka tirsani u daneynayaan inay xiriir diblumaasiyadeed oo fiican la sameystaan Soomaaliya oo xilligan dowlad rasmi ahi ay ka jirto.

Waxaa sidoo kale xusid in dalka Switzerland oo xarun u yahay qaar badan oo kamid ah hay'adaha caalamiga ah ee hawlaha sama-falka ka wada gudaha dalka Soomaaliya.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya