4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2014
Wafdigii Puntland oo Garoowe dib ugu soo laabtay (SAWIRRO)

Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) —Gelinkii dambe ee maanta, waxaa magaalada Garoowe dib ugu soo laabtay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wafdigan oo kasoo kicitimay dhinaca magaalada Muqdisho, waxay kamid ahaayeen wufuud tiro badan oo caasimadda u tegey sidii ay uga qayb geli lahaayeen aaska ra'iisul wasaarihii hore ee dalka, oo maata magaalada Mudisho lagu aasay.

Wasiirro, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, madaxweynihii hore Jen. Cadde Muuse iyo qaar badan oo kamid ah isimmada soo jireenka ah ee Puntland ayaa wafdiga Madaxweynaha kamid ahaa.

Markii ay magaalada Garoowe soo gaareen, waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa si diirran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha, waxaana intaas kaddib loo gelbiyey xarunta madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, oo shalay markii uu Muqdisho gaarey warbaahinta hadal kooban siiyey, ayaa sheegay in ujeedada wafdiga uu hoggaaminayaa ay Muqdisho u tageen aysan ahayn mid siyaasadeed, balse keliya ay tahay ka qayb galka aaska marxuum C/risaaq Xaaji XUseen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya