4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2014
R.W C/WELI: "C/risaaq Xaaji waa hoggaamiye ku dayasho mudan"
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wadajir ah uga qeybgalay aaska Qaran ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho loogu sameeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo saaka meydkiisa laga soo dejiyay garoonka Aadan-cadde iyada oo laga keenay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Meydka marxuumka ayaa waxaa weheliyay qaar ka mid ah ehelada marxuumka iyo saaxiibo kasoo raacay Minneapolis, waxaana ka mid ahaa walaalkiis Cabdiqafaar Xaaji Xuseen iyo Cabdi Ismaaciil Samatar oo ay saaxiibo ahaayeen in muddo ah.

Meydka marxuumka ayaa si maamuus iyo qadarin leh waxaa uga soo dejiyay diyaaradda cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana loo garaacay astaanta Qaranka, waxaana garoonka ku sugnaa boqolaal ruux oo isugu jiray, madaxda dalka, wasiiro, xildhibaano, hogaamiyeyaasha maamulada dalka, isimo, ugaasyo, haweenka iyo qeybo kale oo bulshada rayidka ah.

Meydka Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo qaaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka halkaasoo lagula tukaday salaadii Janaasada, waxaana intaasi kadib loo qaaday degaanka Ceel-cirfiid oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho halkaas oo horay ugu aasnaa madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Soomaaliya marxuum Aadan Cabdulle Cismaan, iyadoo lagu dhinac aasay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Cabdirisaaq uu ahaa hogaamiye ku dayasho mudan, isla markaana ay ku shaqeyn doonaan aragtidiisii Maamul wanaaga, Soomaalinimada iyo Wadaninimada.

“Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa hogaamiye ku dayasho mudan, oo mideeyey quluubta dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin, sida geeridiisu u mideysay dadka Soomaaliyeed waxay muujineysaa in shacabku isku soo hiloobo oo ay ka tashadaan aayahooda”

Ugu dambeyntiina Ubax Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo goobta aaska ka hadashay, ayaa si  weyn ugu mahadcelisay hogaamiyeyaasha dalka, iyo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sida ay ula qeybsadeen murugada geerida marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya