4/13/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2014
Dalka Soomaaliya oo laga Mamnuucayo Gudniinka Fircooniga ah


Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay qorshaynayso sidii  gabi-ahaanba dalka oo dhan looga cirib tiri  lahaa  gudniinka fircooniga ah oo noqday mid kamid ah dhibaatooyinka dumarka Afrika.

Dalal badan oo ku yaalla Afrika ayaa shalay xusay maalinta ka hortagga gudniinka Fircooniga ah oo ay Soomaaliya ku jirto, iyadoo munaasabadahaas ay ka qayb-galeen dumar badan oo loo guday habka fircooniga ah.

"Gudniinka fircooniga ah waa mid ka soo horjeeda shareecada Islaamka, waxaana uu jir dil ku yahay dhamaan dumarka oo dhan," ayuu yiri Raysal-wasaaraha oo tilmaamay in la gaaray xiligii arintan laga hortagi lahaa.

Waxaa kaloo uu sheegay Cabdiwali in aan mar danbe la aqbali doonin gudniinka fircooniga ah ,isla markaana uu ka soo horjeedo sharciga ummadda, isagoo xusay in laga mamnuuci doono guud ahaan dalka.

"Aqoonta waa xalka kaliya ee dalka looga xakamayn karo falkan bahalnimada ah ee gabdhaha yar-yar lagu jir-dilayo"ayuu mar kale hadalkiisa ku daray ,iyadoo wali qaybo kamid ah Soomaaliya laga adeegsado.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hay'adaha qaar u isticmaali doonto in  bulshada ay  ka wacyi galiyaan arimahan,iyadoo door muuqda ay ku yeelan doonaan haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Ugu danbayn, gudniinka fircooniga ah ayaa wali laga isticmaalaa miyiga Somalia, waxaana uu dhaawac baahsan u gaystay qoysas badan oo Soomaaliyeed, iyadoo  dumarka qaarkood ay dhibaato kala kulmaan gudniinkaas  xiliga dhalmada.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]












Click here
2/7/2014 1:44 PM EST
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) —Dowladda Switzerland ayaa dan-jire cusub usoo magacaabatay dalka Soomaaliya. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Switzerland, ayaa lagu sheegay in Dominik Langenbacher uu yahay safiirka cusub ee Switzerland u joogi doona Soomaaliya.

2/7/2014 12:16 PM EST
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) —Gelinkii dambe ee maanta, waxaa magaalada Garoowe dib ugu soo laabtay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

2/7/2014 10:58 AM EST
Xabaalaha Ceel-cirfiid oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu aasay -AHN- C/risaaq Xaaji Xuseen oo Soomaaliya ra'iisul wasaare kasoo noqday intii u dhexeysey 1964-1967.

2/7/2014 10:39 AM EST
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wadajir ah uga qeybgalay aaska Qaran ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho loogu sameeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo saaka meydkiisa laga soo dejiyay garoonka Aadan-cadde iyada oo laga keenay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

2/7/2014 7:34 AM EST
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qaybgalay aaskii qaran ee loo sameeyey ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo maanta lagu aasay Muqdisho.

2/7/2014 6:57 AM EST
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo toddobaadkii hore ku geeriyooday Mareykanka ayaa maanta lagu aasay duleedka magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo aaskiisa ay ka qaybgaleen madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya.

2/7/2014 6:41 AM EST
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay in ciidamooda iyo kuwa dowladda Sooamaliya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ay weerareen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Xagar oo 50-km waqooyi ka xigta degmada Afmadow.

2/7/2014 4:48 AM EST
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) —Wiil dhallinyaro ah oo arday ahaa ayaa xalay lagu diley magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dilka wiilkan ayaa waxaa geystey askari ka tirsan ciidamada booliska ee degmada Baydhabo.

2/7/2014 4:19 AM EST
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) —Xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho (Villa Somalia), waxaa xalay ka dhacay kulan ballaaran oo ay kasoo qayb galeen madaxda sare ee dowladda federaalka iyo wufuudda Muqdisho u tegey si ay uga qayb galaan aaska –AHN- C/risaaq Xaaji Xuseen.

2/7/2014 2:50 AM EST
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa xalay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, wuxuu kulan gaar ah kula qaatay isimmo iyo madax-dhaqameed Muqdisho u tegey sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen aaska ra’iisul wasaarihii hore ee dalka C/risaaq Xaaji Xuseen –AHN- oo maanta magaalada Muqdisho lagu aasayo.

2/7/2014 2:10 AM EST
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) —Meydka -AHN- C/risaaq Xaaji Xuseen oo Soomaaliya ra'iisul wasaare kasoo noqday intii u dhexeysey 1964 ilaa 1967, ayaa goor dhow laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.