4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2014
AMISOM oo sheegtay inay weerartay Saldhig ay lahayd Al-shabaab

Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay in ciidamooda iyo kuwa dowladda Sooamaliya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ay weerareen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Xagar oo 50-km waqooyi ka xigta degmada Afmadow.

Warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayaa waxay sheegtay in weerarku uu dhacay 11:00 ee shalay oo Khamiis ahayd ay ku dileen toddoba ka mid ah xoogagga Al-shabaab, ayna ku qabsadeen gaadiid ciidan iyo qalab isgaarsiinta loo isitmcalo .

Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay in howlgalkan uu ka mid yahay qorshayaasha lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay gacanta ku hayso.

“AMISOM  waxay sii wadi doontaa howlgallada ka dhanka ah cadowga nabadda iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed si ay awood ugu helaan dib u dhiska dalkooda,’ ayuu Anaadiif ku yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, ergayga ayaa sheegay in howlgallo dhawaan ay sameeyeen AMISOM iyo ciidamada dowladda Somalia iskaashanaya ay kaga saareen Xarakada Al-shabaab deegaanka Gandarshe oo ku yaalla jidka isku xira Muqdisho iyo degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

Warsaxaafadeedka AMISOM laguma sheegin in deegaanka ay weerareen ay kala wareegeen Al-shabaab iyo in kale, iyadoo sidoo kale aysan ka hadlin arrintan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya