4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 6 , 2014
Wadaad caan ahaa oo caawa magaalada Muqdisho lagu diley

Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaa caawa lagu diley nin sheekh ah oo kamid ahaa culimaa’uddiinka magaalada Muqdisho caanka ka ah.

Sheekha la diley oo lagu magacaabi jirey C/xamiid Sheekh C/baarri Fiqi, waxaa la sheegay inay qaraabo dhow ahaayeen wasiirkii hore ee gaashaan-dhigga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi.

Rag hubeysan oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoosan ayaa la sheegay in ay sheekha ku toogteen meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.

Ciidamada ammaanka ayaa daqiiqado kaddib soo gaarey goobta uu dilku ka dhacay, waxayna halkaas ka sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey, inkastoo aysan ku guuleysan inay cidna falkaas usoo qabtaan.

Saraakiisha laamaha ammaanku weli kama hadlin dilka Sheekh C/xamiid Sheekh C/baarri Fiqi, mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay inay dilkiisa mas’uul ka tahay.

Dilkan ayaa imaanaya xilli toddobaadyadii u dambeeyey laga dayrinayey ammaanka magaalada Muqdisho. Dhacdadii ugu dambeysey ayaa ahayd saddex habeen kahor, markaas oo la duqeeyey degmooyin magaalada Muqdisho ka tirsan.

Duqeynta oo aan khasaare badan geysan, waxaa mas'uuliyaddeeda sheegtay Ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya