4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 6 , 2014
Maalinta dabar-goynta Fircooniga oo Muqdisho laga xusay(SAWIRRO)

Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Waxaa xarunta  Somali Women Development Center (SWDC ) ee magaalada Muqdisho,  lagu qabtey munaabasad lagu xusayey maalinta ka hortagga gudniinka fircooniga ah oo ku beegan  6-da February , waxaana munaasabaddaas  ka soo qayb galay qaybaha ka duwan ee Bulshada sida : culimaa’uddiin , sharci-yaqaanno, dhaqaatir, dhallinyaro iyo haween.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadley Shiikh Muuse Caga-weyne oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, waxa uuna sheegey in gudniinku aanu meelna ka soo gelin Diinta Islaamka.

“Waa  dhibaato xoogan oo loo geystey Gabdhaha Soomaaliyeed oo halkaa kuwaayey mid ka mid ah tiirarka nolosha banii’aadamka, kuwii sameeyeyna waxay geleen xad-gudub aad u weyn , marka waxaa bulshada looga baahan yahay in ay baabi’iyaan caadadaas xun” Sheekha ayaa sidaas yiri.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sahro Axmed Maxamed oo dhinaca sharciga kala talisa Hay'adda SWDC oo ka hadashey munaasabadda lagu xusayey Maalinta Gudniinka Fircooniga  ah ayaa waxay sheegtay,  in halku-dhigga sanadkaan uu yahay “IN LA WAAYO GUDNIINKA FIRCOONIGA”.

Sahro ayaa intaas raacisay in gudniinka fircooniga ah looga  hortagi karo iyadoo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay si wadajir ah isaga kaashaadaan sidii loo joojin lahaa. Ragga dhallinyarada ah ayey ku boorrisay inay arrintaas qayb libaax ka qaataan.

Dhammaan dadkii kulankaas ka qayb galay ayaa ku dheeraaday dhibaatada uu gudniinka fircoonigu leeyahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in looga takhaluso, maadaama uu yahay dhaqan xaaraan ah oo dhibaato weyn ku reeba gabdhaha Soomaaliyeed.

Maxaemed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya