4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 6 , 2014
MUQDISHO: Shirkadda Hormuud oo jartay adeeggii internetka ee 3G

Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ka jartay maanta Muqdihso adeeggii Internet-ka taleefoonka, kaddib go’aan horay uga soo baxay Al-shabaab, kaasoo ahaa in la joojiyo adeeggan.

Inkastoo shirkadda Hormuud ay adeeggan ka jartay qaybo ka mid ah deegaannada ay Al-shabaab ka taliso ayaa haddana waxay tani u muuqanaysaa in cadaadis lagu saaray inay ka jirto deegaannada ay dowladdu ka taliso.

Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku haysa dowladda Soomaaliya, iyadoo dowladduna ay horay uga digtay shirkadaha inay fuliyaan amarka Al-shabaab ee lagu jarayo adeegga Internet-ka, haddi amarkan ay fuliyaanna ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Qiyaastii 11:00 barqonimo ee maanta ayay shirkaddu si rasmi ah u jartay adeeggga iyadoo aanay jirin wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda, waxaana maalmahan u xirnaa arrinta Internet-ka xarumaha ay shirkadda Hormuud ku leedahay gobollada Jubbooyinka.

Howlwadeenno ka tirsan shirkadda Horumuud ayaa HOL u sheegay in adeegga Internet-ka la jaray illaa amar dambe, isagoo intaas ku daray in shacabkii horay uga iibsaday shirkadda Modem-yada loo isticmaalo adeegga 3G internet-ka ay xal u raadinayso shirakadda.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Al-shabaab ay ku bixiso amar ah in adeegyada ay dowladdu ka taliso laga jaro adeegga Internet-ka 3G-ga loo yaqaan, iyadoo aan la ogeyn tallaabada a dowladdu kaga jawaab-celinayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya