4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 6 , 2014
Kulan looga hadlay ammaanka oo Muqdisho lagu qabtay(SAWIRRO)

Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay ka soo qayb galeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi looga hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan qaabka ay odayaasha dhaqanka iyo dowladdu isula shaqeyn karaan.

Nabadoon C/laahi C/lle Wehliye oo ugu horeyn kulankaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka, ayaa uga mahad celiyay hay'adda CCD oo soo qabanqaabisay, wuxuuna ku booriyay odayaasha dhaqanka inay muujiyaan doorka uga aadan wacyi gelinta dhallinyarada la marin habaabiyay iyo ka qeyb qaadashada nabadgelyada.

Sidoo kale Nabadoon C/llaahi Faarax Haybe oo ka hadlayay mid ka mid ah qodobbada kulankaas layskula soo qaaday, ayaa hoosta ka xariiqay in odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inay soo dhoweeyaan dhallinyarada kasoo goosaneysa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada weli ku harsan kooxda inay isaga baxaan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:-


Ustaad Nuur Salaad Axmed oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab aanay hadda ugu horreynin inay bulshada ku dhex dhuuntaan, isagoo sheegay in horay ay warbaahinta uga sheegeen in malaayga aanu biyo la'aan noolaan karin, iyaguna dadka la'aantiis aanay jiri karin.

"Al-Shabaab wax dan ah kama lahan dadka rayidka ah haddii ay dhimanayaan, dantooda waxay tahay inay dadka dilaan oo kaliya" ayuu yiri Ustaad Nuur Salaad Axmed oo sheegay in Al-Shabaab aanay wax qadarin ah u heynin bulshada Soomaaliyeed.

Isagoo ka hadlayay muhiimadda kulamada noocaan ah ay u leeyihiin odayaasha dhaqanka, waxa uu ugu baaqay Hay'adda CCD inay kordhiso kulamadaan oo kale, maadaama sida uu sheegay shacabka ay ku dhex jireen 22-sano oo dagaallo sokeeye ay dalka ka socdeen,

Dhinaca kale, waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo sheegay in haddii la wanaajiyo xiriirka u dhaxeeya odayaasha iyo Dowladda laga guuleysanayo nabad-diidka ku dhex dhuumanaya shacabka dhexdiisa, waxayna odayaashu sheegeen si loo gaaro yoolka la hiigsanayo in Dowladda Federaalka ay la timaado qorsheyaal ku wajahan xiriirka odayaasha dhaqanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya