4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 6 , 2014
WASIIR GUULEED " waa muhiim in amniga laga wada shaqeeyo"

Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) — Wasiirka amniga qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa kulan la qaatay xubno ka socdey rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho.

Wasiir Guuleed oo markii uu kulankaasi soo gaba gaboobay warbaahinta la hadlay, ayaa wuxuu sharraxaad ka bixiyey shirka uu ganacsatada la qaatay iyo weliba arrimihii ugu muhiimsanaa ee looga wada hadlay.

Ujeedada ugu weyn ee kulanka ayuu sheegay inay ahayd sidii ay ganacsatada Soomaaliyeed gacan uga geysan lahaayeen sugidda ammaanka dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka amniga qaranka Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in ganacsatada ay isku afgarteen dhammaan arrimihii ay ka wada hadleen, isagoo xusay inay jiri doonaan kulammo caynkan oo kale ah oo ay dowladda iyo ganacsatadu si joogto ah u yeelan doonaan.

Qaar kamid ah ganacsatada oo iyaguna shirka kaddib saxaafadda si kooban ula hadlay, ayaa sheegay inay muhiim tahay in ammaanka laga wada shaqeeyo, maadaama haddii nabad la waayo aan si hagaagsan loo ganacsan karin.

Kulankan ayaa imaanaya xilli todobaadyadii u dambeeyey laga dayrinayey ammaanka magaalada Muqdisho. Dhacdadii ugu dambeysey ayaa ahayd saddex habeen kahor, markaas oo la duqeeyey degmooyin magaalada Muqdisho ka tirsan

Duqeynta oo aan khasaare badan geysan, waxaa mas'uuliyaddeeda sheegtay Ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya u jooga ee AMISOM.

Maxamed Salaad Xaaii Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya