4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2014
Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay waxyaabaha Qarxa (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Booliiska Somalia ayaa maanta Muqdisho kusoo bandhigay walxaha qarxa, kaddib markii habeen hore ay booliisku ku sheegeen wareysiyo ay bixiyeen in madaafiicdii lagu duqeeyay Muqdihso ay ahaayeen kuwo macmal ah.

Afhayeenka booliska gobolka Banaadir, Col. Maxamed Cabdi Madaale ayaa saxaafada u soo bandhigay walxaha qarxa oo uu sheegay in lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada booliiska iyo nabadsugiddu ka sameeyeen degmada Xamar weyne.

"Halkan waxaa kusoo bandhigaynaa walxaha laga sameeyo qaraxyada aan rasmiga ahayn (dheemish), waxaan kusoo qabannay howlgallo ciidamadu ay ka sameeyeen degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, waxaana ku raad-joognaa kooxaha ka shaqeynaya falalka noocan oo kale ah ee dadka lagu cabsi-geliyo,” ayuu yiri Col. Madaale.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada ay xoojiyeen sugidda ammaanka caasimadda, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee Muqdisho.

Labo habeen oo lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho laga maqlayay qaraxyo waaweyn oo degmooyinka qaarkood ku dhacaya, kuwaasoo aanay jirin cid ay waxyeello kasoo gaartay.

Weerarradan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab oo ku goodisay inay sii wadi doonaan, iyagoo sheegay in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo caddeyn u ah in dowladdu aysan awood u lahayn sugidda amniga Muqdisho.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed oo shalay la kulan la qaatay hay'adaha ammaanka ayaa ku amray madaxda ammaanka inay ka soo bixiyaan jawaab cad duqeymihii habeennadii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya