4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2014
Uganda oo Ciidan cusub ku bedeshay kuwo horay uga joogay Somaila


Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Xukuumadda Uganda ayaa ciidammo tiro ahaan gaaraya 1,600 u diray Soomaaliya, iyagoo beddelay ciidan horraantii toddobaadkan ku laabtay Uganda, afhayeen u hadlay milateriga ayaa sidaa u sheegay warbaahinta.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka howlgayaan gobollada Banaadir, Shabeellada Dhexe, Shabeellaha Hoose sida laga soo xigtay afhayeenka milateriga Uganda, Col. Paddy Ankunda.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka cusub ay ka qayb-qaadan doonaan xoojinta nabadda iyo ammaanka deegaannadii kooxda Al-shabaab laga saaray sannadihii lasoo dhaafay.

Col. Ankunda ayaa sheegay in ciidamadan ay bedelayaan kuwo horay ay uga qaadeen Soomaaliya Isniintii lasoo dhaafay, isagoo sheegay in ciidamadaan cusub ay qabaan tababarro dheeraad ah.

Dowladda Uganda oo ah dalkii ugu horreeyay oo ciidamo u diray Soomaaliya sannadkii 2007 ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidammo gaaraya 8,000 oo askari oo ka howlgala gobollo kala duwan.

Isbedelka Uganda ay ciidamadeeda ku sameysay ayaa imaanaya kaddib markii bishii lasoo dhaafay ay ciidamada Itoobiya si rasmi ah uga mid noqdeen howgalka AMISOM, laguna wareejiyay ammaanka saddex gobo loo ay horay uga howlgeli jireen ciidammo ka socda Uganda iyo Burundi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya