4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2014
Dowlada Hoose ee Hargeysa oo dhisaysa Waddo casri ah (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Dowladda hoose ee magaaladda Hargeysa ayaa bilowday samaynta wadooyinkii burburay, kuwaas oo u samaynayey qaab casri ah  oo jiritaankeeda loogu talo galay muddo dheer inay shaqayso.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa kormeer ku yimid halka hawsha waddo samayntu ka socoto oo ah agagaarka dawladda hoose ee Hargeysa, halkaasi oo uu goobjoog ka ahaa ku simaha maayarka ahna maayar ku xigeenka magaaladda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago weyne).

“Golahayaga deegaanka oo u badan dhalinyaro waxaanu doonayna in dhalinyarada naga dambeeya wax uga tagno, isla markaana ay nagu daydaan shaqada badan ee aanu hayno, waxaanay wadadan laamida ahi loogu talogalay inay shaqayso boqol sanno oo aanay waxba noqon”ayuu yidhi maayar ku xigeenka Cabdicasiis Cago weyne.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Maayir ku xigeenka Cabdicasiis Cago weyne ayaa wasiirka uga warbixiyey halka ay hawshu u marayso, waxaanu sheegay inay wadaan wadadan oo u baxda dhinaca magaaladda Berbera oo ay ka soo bilaabeen duleedka bari ee magaaladda Hargeysa, isla markaana ay hadda ay marayaan badhtamaha suuqa, waxaanay intaas ku daray in marka ay laamidani dhamaystiraan ku xigsiin doonaan wadad madaarka tagta illaa badhtamaha magaaladda.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa isna ku bogaadiyey dawladda hoose iyo golaha deegaanka oo u badan dhalinyaro, isla markaana sheegay inay hawshu si fiican usocoto, isla markaana halkaasi ka sii anba qaadaan wadooyinka si magaaladdu u qurux badato.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in marka laamidda la sameeyo loo baahan yahay In habeenkii la fiiqo wadada, isla markaaana laga ilaaliyo inay camuud fadhiisato laamidda cusub ee kharshka badani ku baxay.

Si kastaba ha ahaatee, golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ayaa wadda mashaariic kala duwan oo u badan wadooyinkii burburay oo dib loo samaynayo, isla markaana ay kharash badani ku baxayso, iyadoo kiraystay shirkad ka shaqaysa dhanka wadooyinka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland