4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2014
Itoobiya iyo Somaliland oo Qabtay Sarkaal kasoo goostay Al-shabaab

Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Ciidamada amniga maamulka Somaliland oo ay taageerayaan cutubyo ka tirsan sirdoonka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay sarkaale sare oo horay uga tirsanaan jiray kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta qaybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Howlgalka lagu soo xiray Cabdulaahi Maxamed Axmed oo ku magac dheeraa Carabey ayaa ka dhacay xaafadda Hidh-Hidh oo ka tirsan degmada Widh-Widh ee gobolka Togdheer  kuna dhow xadka maamulkaas uu la wadaago Itoobiya.

Sargaalkan la xiray ayaa la aaminsanyahay in uu xubin fir-fircoon ka ahaa ururkas ,isla markaana  uu xiriir dhow la lahaa Axmed Cabdi Godane oo Al-shabaab hogaamiya  ka hor intii uusan  bilaaban khilaaf ururka dhexdiisa ah.

Warar hoose  waxa ay sheegayaan in Carabey uu ka soo goostay kooxdii uu ka tirsanaa,isaga oo ka soo cararay dilalka qorshaysan ee ururka ka dhex billowday, kuwaasoo lagu beegsanayo xubnaha ka soo horjeeda fikirka Godane.

Somaliland wax war ah kama soo saarin xariga sarkaalkan waxaana jiray xubno kale oo ururkaas muhiim ka ahaa, kuwaasi oo iyagana la qabtay sanadkii tagay  xili ay doonayeen in ay gudaha u soo galaan Itoobiya.

Ugu danbayntii dowladda Itoobiya ayaa aad u adkaysay xadka ay Somaliya la wadagaan, iyagoo ka cabsi qaba weerarro ay gudaha dalka ka fuliyaan kooxo argagaxiso ah, waxaana dowladaha ku yaalla geeska Afrika looga digay weerraro halis ah oo ku soo fool leh.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]