4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2014
Ayax ku dhashay dhul daaqsimeed ballaaran oo Somaliland ku yaalla

Talaado, Feberaayo 04, 2014 (HOL) — Wasiirka Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole, ayaa ka warbixiyey ayax faro badan oo ku dhashay qaybo badan oo Somaliland ah.

Wasiirka Beeraha ayaa maanta hortagay golaha Guurtidda Somaliland, isla markaana uga xog waramay wasaaradiisa iyo mudadii uu joogay waxa uu ka qabtay dhinaca Beeraha.

Wasiirka ayaa sheegay in dhul balaadhan uu ka dhashay Ayax faro badan, kuwaas oo xidhiidhsan bari ilaa galbeed, waxaanu si gaar ah u xusay magaalooyinka ay ka midka yihiin Laasqoray, Balli-dhiig, Bullo-Xaar, Lughaya iyo agagaarka degmadda Saylac.

Prof. Faarax Cilmi Geedoole, ayaa sheegay inay hay’ado badan oo caalami ah u dirsadeen  baaq si looga gurmado dhulkaasi Ayaxa ku habsaday, waxaanu sheegay inay maanta soo gaadheen khuburo wax ka qaban doonta oo ka kala yimid Addis ababa, Qadar iyo Rooma.

“Waxaa dhul faro badan ka dilaacay Ayax taas oo dhulkii daaqsimeedka ahaa waxyeeleeyey, waxaana baaq u kala dirnay hay’adaha caalamka sidii ay nooga caawin lahaayeen ayaxaasi, waxaana maanta na soo gaadhay khuburadii u horaysay oo ka kala yimid Addis abba, Qadar iyo Roobe”ayuu yidhi wasiirka Beeraha Somaliland Geedoole oo ka hadlayey ayaxa ku habqaday dhul balaadhan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay midowga yurub kala hadleen in dalka laga hirgaliyo xarun la dagaalanka Ayaxa si dhulka looga ilaaliyo inay ayax ku dhasho.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay inay wax soo saarkii Beeraha hoos u dhac ku yimid sanadkan marka loo eego sanadkii hore, taas oo qiyaas ahaan hoos u dhacay wax soo saarkii sodan kun oo Tan.

Wasiirka Beeraha Geedoole ayaa sheegay in wakhtigii uu xilka la wareegay uu waraaq u qoray hay’adda WFP kuna wargaliyey in aanay dalka keenin wax raashin ah oo la mid ah ka ay soo saareen beeralayda Somaliland, isla markaana aanay ku soo beegin wakhtiyadda dalagyadda soo go’aan si aanay u khaarin beeralayddu.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay dalka keeneen laba Shaybaadh oo lagu baadhi doono camuudda wax lagu beerayo si loo tayeeyo Raashinka ka soo baxa Beeraheenna iyo mid lagu baadho Raashinka.

Intaas kaddibna waxay xildhibaanadii Guurtidu waydiiyeen su’aalo ku qotoma shaqadiisa, isla markaana uga wada jawaabay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland