Talaado, Feberaayo 04, 2014 (HOL) — Warbixin ka soo baxday Guddiga arimaha gudaha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in musuq-maasuq baahsan uu ka dhex jiro wadamada xubnaha ka ah ururkan, iyadoo lasoo daabacay qaar kamid ah lacagaha sanad walba la isticmaalo.
Lacag gaaraysa162.19 Bilyan oo dollar ayaa warbaxinta lagu xusay in sanadkii tagay la waayay ,isla markaana ay jiraan dhowr wadan oo ay ka mid yihiin Spain iyo Gariiga oo la sheegay in musuq-maasuqa ugu badan loo haysto.
Xog-hayaha arimaha gudaha Midowga Yurub Cecilia Malmstorm oo warkan sii daysay ayaa sheegtay in ay socdaan dadaallo badan oo lagula dagaallamayo musuq-musaaqa, iyadoo wali ay socdaan eedaymo ay dhinacyo kala duwan oo ururkaas ka tirsan isu jeedinayaan.
Wadanka Gariigga ayaa eedda ugu badan ee arintan dusha loo saariyay, waxayna kaalinta 80-aad ee dhanka musuq-maasuqa kuwada jiraan wadanka China ,halka Soomaaliya ay kaalinta kowaad kaga jirto kala saraynta musuq-maasuqa.
Malmstorm ayaa xustay in Finland iyo Swedan ay ku jiraan wadamada ka madaxa banaan eedaymahan ,waxaana lagu amaannay sida ay uga hortageen musuq-maasuqa sanadihii ugu danbeeyay ku dhex baahay gudaha ururka.
Ugu danbayntii warkan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhaqaala xumida ka jirta qaybo kamid ah Yurub ay sii kordhayso, waxaana isa soo taraya cabashooyinka arintan la xiriira ee laga muujinayo kalsoonida lagu qabi karayo EU-da
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]