4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2014
Isbitaalka Kismaayo oo loogu deeqay qalab iyo dawooyin (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 04, 2014 (HOL) — Qurba-joog Soomaaliyeed oo Jubbooyinka kasoo jeeda ayaa qalab caafimaad ugu deeqay isbitalka degmada Kismaayo, iyadoona qalabkaasi lagu wareejiyay maamulka isbitalka guud ee degmada Kismaayo.

Qalabkan oo isugu jiray sariiro lagu seexiyo bukaanada oo koronto ku shaqeeya, kuraasta curyaamiinta oo casri ah, qaboojiyeyaal lagu keeydiyo dhiigga, raajooyin iyo qalab kale ayaa waxa kusoo deeqay qurba joog kazoo jeeda deegaanada Jubooyinka.

Wasiiirka caafimaadka iyo fayadhowrka maamulka jubba Mudane Xasan Daahir Yaroow oo warbaahinta la hadlay kahor intii uusan qalabkan ku wareejin isbitalka degmada Kismaayo ayaa sheegay in qalabkan ay kusoo deeqeen shaqsiyaad kazoo jeeda deegaanada Jubooyinka, wuxuuna xusay in tallaabadani ay tahay mid horumar leh islamarkaana ku dayasho mudan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wasiirka ayaa ugu baaqay qurbajoogta Soomaaliyeed in ay dib usoo eegaan dadkooda ku dhibaateeysan gudaha dalka islamarkaana ay gacan ka geystaan sidii loo horumarin lahaa deegaanadooda.

Agaasimaha isbitalka degmada Kismaayo Dr. C/samad Abiikar Xaaji oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka gudoomeen qalabka uu wasiirku ku wareejiyay ee ay ku deeqeen qurbajoogta kasoo jeeda deegaanada Jubooyinka, wuxuuna Alle uga baryay cidii soo dhiibtay in uu ka abaalmariyo.

Wasiirka ayaa gabagabadii ku deeqay dhiig, maadama mudo dhowr iyo labaatan sano kadib markii ugu horeeysay uu isbitalku yeeshay qaboojiye lagu keeydiyo dhiigga, wuxuuna ugu baaqay shacabka ku dhaqan Kismaayo in ay dhiigooda sadaqeeystaan sida loogu caawiyo dadka ay ku dhacaan shilalka degdegga ah ee u baahan dhiigga.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya