4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2014
Ka hortagga Marin-habaabinta oo looga dooday Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 04, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sida odayaasha-dhaqanka iyo dhallinyarada oo wadajir ah ay u tirtiri lahaayeen marin-habaabinta dhallinyarada, si loo helo dhaqan sax ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Doodda oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCD ayaa waxaa ka qayb-galay odayaal, nabadoonno, culumaa'uddiin, aqoonyahanno iyo dhallinyaro, iyadoo xubnihii ka hadlay doodad ay is-tusiyeen farqiga u dhaxeeya dhaqankii hore iyo dhaqanka maanta.

Nabadoon, Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaashii ka hadlay doodda ayaa sheegay in loo baahan yahay in fikirka qaldan ee lagu marin habaabiyo dhallinyarada laga hortago, isla markaana la iska kaashado sidii ummadda loo bad-baadin lahaa.

"Dagaalka marka la yiraahdo in wax la dilo kaliya ma ahan, dagaalka macno fara badan ayuu leeyahay, fikirka Al-shabaab ay ku shaqeeyaan oo bulshada in la laayo ah, hooyadood kama imaan, dugsiyada looguma dhigin ee dad ayaa dibadda ka keensaday, waxayna ku beereen dhallinyaradeena," ayuu yiri nabaddoon Xaad.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in dagaalka kaliya ee looga hortagi karo marin-habaabinta ay tahay in dhallinyarada la wacyi-geliyo, isla markaana tilmaan sax ah laga siiyo wixii wanaag ah, wixii qaldanna laga celiyo.

Garaad Cali Garaad Axmed oo isaguna doodda ka hadlay ayaa sheegay in doorka odayaasha uu yahay in la wacyi-geliyo, isla markaana dhallinyarada loogu baaqo inay nabadda ka shaqeeyaan.

"Dhallinyarooy dalka idinkaa la idiin hayaa, annaga waa tagnay haddaan raaxo soo marnay iyo haddaan rafaad soo marnay, hadduu dalka burburo idinkuu idinka burburay, waxaa la idin kaga baahan yahay inaad caqligiinna ku beertaan inaad dalka idinka leedihiin,” ayuu yiri Garaad Cali.

Iimaan Jimcaale Faarax oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee ka hadlay doodda ayaa sheegay in farqi weyn uu u dhaxeeyo dhaqankii hore iyo kan maanta, isagoo sheegay in dhaqankii hore uu ka wanaagsan yahay midka maanta.

"Dhaqankii hore iyo kan maanta farqi weyn u dhaxeeya, dhaqankii hore ayaa wanaagsan, waxaa arkeysaa wiil yar oo la leeyahay aabahaa dil, waa inaan is-weydiinnaa dareenkaas xaguu nooga yimid, inta badan Soomaalida way taqaan Qur’aanka, waddada jannada lagu galayo waa cad-yahay, Qur’aanka Alle soo dajiyay ayayna ku caddahaya, kaas in la raaco oo wixii kasoo hara laga tago ayaa laga rabaa dhallinyarada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Jimcaale.

Ugu dambeyn, dhallinyaradii dood-cilmiyeedka ka qayb-galay iyo odayaasha dhaqanka ayaa is-weydaarsaday talooyin muhiim ah oo ku saabsan sida ugu habboon ee loo heli karo dhaqan sax ah oo ahaa dhaqankii suubanaa ee ay Soomaali lahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya